Bosaso: nin ka tirsan kooxdii fulisey weerarka oo hadlay [Dhegeyso]

Image
Image
Image
Image

February 8, 2015 (GO)- Booliska degmada Bosaso ayaa soo bandhigey xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu soo qabtey hawlgal xalay ciidamadu sameeyeen kadib weerar lagu soo qaadey bar-kantarool oo taaley meel u dhow Hotel Panorama.

Dadka la soo bandhigey oo tiradoodu saddex tahay waxaa gacanta lagu dhigey waxyar kadib markii uu la gaddoomey gaari noociisu ahaa Toyota Noah oo ay weerarka kadib  ku baxsadeen.

Shilka oo ka dhacay jidka sodonka ee dhowaan laga sameeyey bariga magaalada waxaa ku dhintey mid kamid ah afar nin oo gaariga saarnaa balse saddexda kale ayaa iyaga oo dhaawac ah la keenay isbitaalka guud ee degmada.DHEGEYSO 

Saraakiisha booliska oo maanta si wadajir ah shir-jaraa'id u qabtey ayaa warbaahinta usoo bandhigey nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamuud Rashiid Cali kuna jirey kooxdii weerarka fulisey ee uu gaarigu la rogmadey.

Ninkaas ayaa saxaafadda uga waramay weerarka qaabkii loo soo qorsheeyey, tirada xubnaha fuliyey iyo weliba noocyada hubka ay wateen.

Boolisku wuxuu sidoo kale soo bandhigey labo nin oo dhaawac ah iyo labo kale oo meyd ah. Labada dhaawaca ah midkood waa sarkaalkii hoggaaminayey kooxdii xalay weerarka geysatey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM