Bossaso: Ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland oo lagu weerarey Bam gacmeed

Image

BOSSASO, Puntland- Koox dabley hubeysan ah ayaa fiidnimadii habeenkii xalay Feb 26,2017 weerartey ciidamo Booliska ah oo jidgooyo u taaley wadada hormarta warshadii hore ee Netco halkaasoo ay ku dhaawacmeen Afar Askari.

Ciidamada Booliiska ayaa rasaas badan ridey kadib markii Bamkaas lagu soo tuurey iyadoo aysan jirin dad shacab ah oo waxyeelo u gaysatey tacshiiradaas dhacdey.

Weerarkaan ayaa yimid 24 saac kadib markii ciidamada amaanka Puntland xabsiga u taxabeen Cabdulqaadir Axmed Xarago kadib markii wareysi uu siiyey Idaacada VOA kaga hadlay in Jirdil loo gaystey dhalinyaro lagu soo eedeeyey Iney qayb ka ahaayeen dilal  magalada Bossaso ka dhacey.

Xariga Cabdulqaadir Axmed Xarago ayaa waxaa uu sababey in dhalanyaro kamid ah tageerayashiisa ah dibadbaxyo ka sameeyaan xaafad ka tirsan magaalada Bossaso.

Dowlada ayaa ciidamo gaysey xaafadaas iyadoo weli jirin wax war ah oo kasoo baxay dowlada Puntland iyo hay'adaheeda amaanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugan magalaada Bossaso iyadoo dhinaca ku sugan yihiin gudoomiyaha Barlamanka iyo madaxweyne ku xigeenka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM