Mudaharaad lagu diidan yahay lacagta Faalsada ah oo ka dhacey Buhoodle

Image

BUHOODLE- Magalaada Buuhoodle gobolka Cayn ayaa caro ka dhalatay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ah waxay sababtay in dhallinyaro u badan muruq maal ay gebi ahaan xidhaan goobaha ganacsiga iyo wadooyinka.

Ganacsatada ayaa hore kala sooc ugu sameeyey lacagta iyadoo lacagta la qaadanayaa tahay shilinka cusub ee Puntland samaysay taasoo saamayn ku yeelatay bulshadda danyarta.

Maamulka Madaxweyne Gaas ayaa markii uu ku filaan waayey in misaaniyada Puntland ka bixiso mushaharka iyo adeegyada kale waxay ganacsto shuraako kula noqdeen makiinad kuwa lacagta lagu daabaco taasoo dhextaal xarunta Bangiga magalaada Bossaso.

Degmada Buhoodle ayaa aasbuucii lasoo dhaafey waxaa ka dhacey dagaal u dhexeeya labo Beelood oo walaalo ah kuwasoo sababey dhimasho iyo dhaawac.

Degaankaan ayaa waxa ku sugan siyaasiyiin kala tagersan Puntland, Somaliland iyo Khaatumo taasoo saameyn ku yeelatey hurumarka gobolka iyo in wax laga qabto arimaha bulshada.

GAROWEONLINE + Khadar Cawl

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM