​Cabdiraxmaan Farole oo hambalyeeyay doorashada Farmajo

Image

MUQDISHU, Somalia- Cabdiraxmaan Farole oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare Somalia islamarkaana kamid ahaa raggii xilka Madaxweynaha Somalia isu-taagay kahor intuusan tanaasulin maalin ka hor ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday xarunta Afesiyoone ee magaalada Muqdishu.

Farole, ayaa hambalyo u diray guusha uu Farmaajo ka gaaray doorashadii uu la galay murashaxiin ay kamid ahaayeen kuwii ku bahoobay is-badal doonka.

Wuxuu alle uga baryay inuu ku guuleeyo xilka culus ee u qaaday umadda Somaliyeed xilli uu muqaal kooban ku baahiyay bartiisa xiriirka bulshada.

"Waxaan halkan tahniyada iyo hambalyo uga dirayaa mudane Farmaajo oo aan leeyahay alle ha kugu guuleeyo xilka aad qaaday, kolay wararka nasoo gaaraya waxay sheegayaan in meelo badan dabaal dagyo ka dhaceen, waxaana ka rajaynaynaa inuu shaqada sidii looga baahnaa uga soo baxo, anaguna waan la shaqaynaynaa," Sidaas waxaa yiri Farole.

Hambalyada Farole ayaa kusoo aaday xilli Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Somalia doorasho waqti badan qaadatay oo ilaa maanta kasocotay magaalada Xamar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM