​Camey: Isimo iyo Wasiiro ayaan u diraynaa Buuhoodle [Dhageyso]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar (Camey), ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay shalay, 19 Augost, 2017 ka dhacay degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, halkaasoo ay ku dirireen beelo Ood-wadaag ah.

Camay oo waraysi gaar ah caawa siiyay Radio Daljir ayaa sheegay in Puntland ka xuntahay dagaalka Buuhoodle isagoo baaq u diray beelaha hubka isu qaatay oo uu sheegay inay ka dharagsanyihiin faa'iidada laga dhaxlo colaad sokeeye.

"Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo dagaalka, runtii dagaal ninbaa ku dhinta ee nin kuma dhasho, idinkana reer Buuhoodle waad ka dharagsantihiin faa'iidada ay colaadu leedahay," Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, kasoo hadalkiisa ku daray, " Anaga Puntland ahaan colaadaas daminteeda gacan ayaan ka gaysanaynaa, waxaana u mahacelinayaa waxgaradka iyo cuqaasha ka qayb qaatay in xabadu qabowdo ilaa galinkii dambe maanta."

Cabdixakiim Cumar Camey ayaa carrabka ku dhuntay inay xiriir la sameeysay dowladda Puntland cuqaasha kasoo jeeda gobolka ee ku sugan magaalada Muqdishu islamarkaana isku afgarteen inay tagaan Buuhoodle islamarkaana ka qayb qaateen sidii xal looga gaari lahaa dagaalkan soo noq-noday.

Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale Wasiirro katirsan Puntland maanta oo Axad ah, 20 Augost, 2017 booqasho ku tagi doonaan xarunta gobolka Cayn si ay uga qayb qaataan soo afjarista dagaalka labada Beelood.

Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray in dagaalkaas uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, wuxuuna ku tilmaamay inay qayb ka tahay aafada Somalia ka taagan.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camey ayaa wax laga weydiiyay arrimo la xariira dadaalada Somaliland kawado gobolka ee la xariira doorashada maamulkaas, isagoo xusay inuu qorshahaas uu ahaa isku day fashilmay.

"Ku day buu ahaa, ku daygiina waa fashilmay waad la socotaa in deegaanadii ay tageen lagu dhibaateeyay oo lagu gubay sanaadiiqdii ay wateen, runtii Laascaano waad la socotaan in kuwo waardiyaynayay alaabtii doorashada la dilay hubkii ay wateena shacabku ka qaatay," Sidaas waxaa sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, isagoo intaas raaciyay in Puntlana faraha aysan ka laaban doonin hadii Somaliland daandaansi ka samayso gobollada Puntland.

Sidoo kale Camay ayaa wax laga weydiiyay wadahadalkii u socday Somaliland iyo hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif, wuxuuna sheegay in arrintaas la micno tahay "Nin Daad qaaday Xumbo cuskay".

Arrimahan ayaa kusoo aaday xilli xiisado kala duwan ay ka taaganyihiin gobollada lagu muransanayahay ee Sool iyo Cayn kuwaasoo ay ugu dambaysay dagaalka maanta oo lagusoo waramayo in dad badan ku geeriyoodeen kasoo salka ku hayay anooyin Qabiil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM