​Carwo Shaqo oo Garowe lagu qabtay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe caasumadda Puntland lagu daah-furay bandhig Carwo Shaqo oo socon doona muddo Labo maalmood ah taasoo shirakaad kala duwan kusoo bandhigi doonaan jaanisyada shaqo ee ka bannaan.

Barnaamijkan waxaa hirgaliyay shirkadda daabacda Buugaagta ee SCANSOM iyo Fursad Fund, taasoo loogu talo galay inay ka faa'iidaystaa dhalinyarada leh cirfaha iyo aqoonta ee dalka ku sugan.

Mas'uuliyiin kasocday labaas xarumood ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin soo ajiibista qorshan waxayna tilmaameen in ujeedku yahay sidii loo yarayn lahaa shaqo la'aanta dhalinyarada islamrkaana loo samayn lahaa madal kulmin karta dadka shaqada haya iyo kuwa raadinaya intaba.

Siciid Xukun oo kasocda SCANSOM, ayaa sheegay in barnaamijkan uu qayb ka qaadan doono sidii kor loogu qaadi lahaa hormarka dalka islamarkaana loo yarayn lahaa falalka guracan ee inta badan dhalinyaradu ku kacaan marka shaqo la'aantu soo wajahda sida Tahriibka oo kale.

Qaar kamid dadweynihii soo xaadiray ayaa gudbiyay araajidooda ku aadan shaqooyinka shirkadaaskaas hayaan.

Waa barnaamijkii labaad ee noociisa lagu qabto dalka Somalia iyadoo sidaan oo kale horay looga sameeyay magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM