Ciidamada dowlada Puntland oo la wareegey xarunta Barlamanka

Image

GAROWE - Kadib markii habeenkii xalay is-rasaaseyn xoogan ku dhexmartey xarunta Barlamanka Puntland, ciidamada amaanka dowlada Puntland iyo ilaalada Gudoomiyaha aqalka Wakiilada ayaa sida warsidahaan xaqiijinayo waxaa amniga goobtaas la wareegey ciidamada dowlada.

Is-rasaaseyntaan dhexmartey labada ciidan oo ay ku dhinteen Sadex qof ( Labo Askari iyo qof rayid ah) ayaa timid kadib markii ciidamada Booliska Puntland xaawileen in amniga xaruntaas kala wareegaan ilaalo si gaar ah halkaas uu ugu ururiyey Gudoomiyaha aqalka wakiilada

Gudoomiyaha aqalka wakiilada Puntland oo mooshin ka dhan ah ay wadaan xildhibaanada golaha shacabka ayaa sida ssraakiisha ciidanka u shegeen warsidahaan waxaa uu mas'uul ka ahaa isku dhacaan madaama maalmihii ugu dambeeyey ciidamo gaar ah ku ururiyey xaruntaan.

"Ciidmaada amniga Puntland iyo saraakiishooda ayaa waxay isku dayeen iney si nabad ah ku tagaan xarunta Barlamanka balse waxay tacshiirad xoogan kala kulmeen ilaalada Gudoomiyaha Barlamanka oo ku sugneyd xaruntaas." sidaas waxaa u sheegey Taliyaha ciidamada Booliska Puntland oo la hadlay Garowe Online.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadaan iyadoo la filayo maanta dib u furmo kalfadhiga aqalka wakiilada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM