Ciidamada amaanka Puntland oo qabtey qaraxyo kale

Image
Image
Image

BOSSASO- Ciidamada amaanka Puntland ayaa Barta kintroolka magalaada Bossaso ku qabtey gaari nooca candhamaydlaha loo yaqaan oo sida qalab kala duwan ay ku jiraan waxyaabaha qarxa.

Wararka ayaa sheegaya in qalabkaan ay wateen labo nin kuwasoo iminka ku jira gacanta ciidamada amaanka Puntland.

Wa markii labaad ee ciidamada amaanka Puntland gacanta ku dhigaan qalab qarax ah oo loo wadey gudaha xarunta ganacsiga Puntland.

Qalabkaan ayaa wararka sheegayaan in lagu soo qariyey mid kamid ah gaawirada qudaarta ka keenta magalada Baladweyne oo ka tirsan maamulka Hir-Shabeele.

Gaarigaan lagu qabtey afaafka hore ee magalaada Bossaso ayaa u muuqdey mid soo dhaafey dhamaan magalooyinka kale ee Puntland laga soo bilaabo magalaada Galkacayo.

Dhowaan ayey aheyd markii Maxkamada ciidamada Puntland xakumo kala duwan ku xukuntey koox dhalinyaro ah oo sidey qaraxyo lagu waxyeeleynayo amaanka magalaada Bossaso.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa weli ka hadlin qalabakaan lagu sameyn lahaa qaraxyada oo la qabtey.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM