Ciidamada amniga Puntland oo lagu eedeeyey ineysan talaabo ka qaadin dabley dishey sarkaal sare- Dhageyso

Image

BOSSASO, Puntland- Kadib markii maanta Dec 25, 2016 magaalada Bossaso lagu diley Xeer ilaaliyihii guud ee maxkamada ciidamada Puntland Cabdikarim Xasan Firdhiye ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in goobtii kooxda dableyda dilka ka gaysatey ay ag dhowaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska gobolka.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Puntland Col. Cabdifatax Xaaji Aadan oo la hadlay idaacada BBC laanteeda af-Somaliga ayaa sheegey iney jireen ciidamo ka ag dhowaayeen goobta dilku ka dhacey isagoo ku dhaartey in talaabo ka qaadi doonaan askartaas.

Cabdifatax ayaa sheegey in askarta ka dhoweyd goobtaas oo aan qaadin talabadii laga rabey ay ka dambi badan yihiin kooxaha dilka gaystey.

Dilal ka dhacaya magaalada Bossaso ayaa soo kordhiyey wayadaan dambe iyadoo muddo 15 maalmood gudoohood xarunta ganacsiga Puntland lagu diley sadex sarkaal oo ka tirsan dowlada Puntland.

Ciidamada Puntland oo muddo aan mushahar qaadan ayaa wararka soo gaaraya Garowe Online sheegayaan in niyad jab xoogan haysto.

Dhageyso wareysiga gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Puntland- Xigasho BBC 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM