Ciidamada badda Puntland oo qabtey doon siddey tahriibeyaal

Image

February 25, 2015 (GO)- Ciidamada badda Puntland ayaa qabtay doon yar oo ka baxday magaalada Bosaso taasoo ay la socdeen tobannaan qof oo tahriibeyaal ah kuwaasoo isugu jirey Soomaali iyo Itoobiyaan. Ciidamadu waxay sidoo kale gacanta ku dhigeen saddex kamid ah dadka wax tahriibiya.

Taliyaha ciidamada badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo gudaha dekedda Bosaso warfidiyeenka kula hadlay ayaa si kooban uga warbixiyey dadkan iyo qaabkii lagu soo qabtey.

Admiran Diiriye wuxuu sidoo kale sheegay in la dardargeliyey ololaha lagula dagaalmayo tahriibka hadda kadibna aan la ogolaan doonin in si sharci darro ah dadka looga tahriibiyo xeebaha Puntland.

Tahriibayaal Afrikaan ah una badan Soomaali iyo Itoobiyaan oo ka cararaya faqriga iyo xasillooni darrada wadanadooda ka jirta ayaa sannad walba gaara xeebaha koonfureed ee dalka Yemen, iyagoo kaddibna usii ruuqaansada dhinaca waqooyiga, si ay ugu sii tallaabaan Sucuudiga oo Yemen ay xuduud dheer wadaagaan.

Hay'adda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in sannadkii 2012 oo keliya dalka Yemen gaareen 84,000 oo tahriibayaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM