​Ciidamada isku hor-fadhiyay Galkacyo oo la kala qaaday [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Waxaa galinkii dambe maanta lagu guulaystay in labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, kala qaadaan ciidamada isku hor-fadhiyay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug, masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Somalia, ayaa tagay halka ciidamadu isku hor-fadhiyeen waxayna ku qabteen shir jaraa'id oo ku saabsan dhaqan galinta xabad-joojin dhexmarta labada dhinac iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa hishiiska labada maamul.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay guddiyadii labada dhinac ee howshan ka shaqeeyay, wuxuuna tilmaamay in uu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay u socdaan shirarka nabadaynta magaalada Gaalkacayo isla markaana ay muhiim tahay inay dhammaato colaadda mudada soo jirtay.

" Waan ku faraxsanahay in maanta aan joogno goobihii uu dagaalku ka socday islamarkaana aan ku guulaysano in la gaaro xabad joojin rasmi ah sidoo kalena ciidamada lakala durkiyo, cidkasta oo arrintaas gacan ka geysatayna waan u mahad naqaynaa, waxaan rajaynaynaa in colaadda Gaalkacayo ay dhamaato, dadka ehelka ee walaalaha ahna ay helaan xal iyo nabad waarta, wada hadalada jira waqtigana ma joogsan doonaan balse way sii socon doonaan," Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa isaguna xusay in guusha laga gaaray colaadda Gaalkacayo tahay mid la wada sugayey, isagoo yiri,"Guusha aynu ka gaarnay colaadda Gaalkacayo waynu wada sugaynay waana ku faraxsanahay in aan ciidankii kala qaadnay, ciidamada labada dhinac waxaa waajib ku ah inay fuliyaan wax kasta oo looga heshiiyo colaadda magalada Gaalkacayo".

Ra'iisal Wasaaraha waqtigu ka dhammaaday ee Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa dhankiisa xusay in horey loo qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xallinayo khilaafka labada maamul,"runtii waan ku faraxsanahay in aan maanta joogno goobtii dagaalku ka socday isla markaana ciidankii labada dhinac lakala qaaday, waana ku rajo weynahay inta harsan in lasii dhamaystiri doono," Ayuu yiri Mudane CCC.

Madaxda, madashaas ka hadashay ayaa shacabkii barakacay ugu baaqday inay kusoo laabtaan magaalada Galkacyo islamarkaan ku kalsoonaadaan dadaallada nabadeed ee kasocda xarunta gobolka Mudug.

Kala qaadista ciidamadan, ayaa timid xilli hal maalin ka dhimantahay ballantii lagu muujiyay hishiiskii Dubai ee ahaa in wada hadal kale la isugu yimaado xarunta maamulka Jubbaland ee Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM