Ciidamada madaxtooyada magaalada Bosaso oo gadoodey

Image

BOSASO Jan 25, 2015 [GO]- Wararka laga helayo magaalada Boasso ayaa sheegaya in maanta ciidamada madaxtooyada gadoodeen xilli madaxweynaha Cabdiweli Cali Gaas ku sugan yahay gudaha qasriga Labaad ee looga arimiyo dowada Puntland.

Ciidamadaan oo ka cabanaya mushahar la'aan gaarsiisan muddo Todobo bilood ah ayaa xirey dhamaan irirdaha laga soo galo madaxtooyada iyaga oo joojiyey dhamaan isu socodkii xafiisyada xaruntaas..

Is-hortaagaan oo socdey muddo Sadex saacadood ah ayaa markii dambe waxaa soo dhexgaley saraakiisha sare ee ciidamada amniga Puntland kuwaasoo uu hogaaminayey Sareeye Guud Siciid Dheere.

Gadoodka ciidamadaan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas booqasho ku joogey magaalada Bosaso.

Mushahar la'aantaan baahsan oo ay ka cabanayaan ciidamada Puntland iyo shaqaalaha rayidka ah ayaa mareysa heerkii ugu sareysay.

Saraakiisha sare ee ciidamada ayaa wararku sheegayaan iney markii dambe ku qanciyeen ciidamadaan ka tirsan madaxtooyada Puntland ee Bosaso in mushahar labo bilood ah loo raadin doono.

Qoraal kasoo baxey xafiiska Wasiirka maaliyada Puntland oo lagu baahiyey barta Facebook maanta ayaa lagu sheegey in bisha January laga bilaabo dowladdu bixin doonto mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah bil-walba 25-keeda.

Wasarada maaliyada ayaa sheegtey in shaqalaha rayidka ah iyo ciidamada iska ilaawaan iney helaan mushaharadka ka maqan bilo celceliskoodu gaarayo  3-6 iyadoo lagu xusey qoraalkaan in January wixii ka dambeeya loo joogteyn doono mushaharkooda.

Warsidaha Garowe online aya fahansan in dowlada madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas qorsheyneyso iney keento Puntland warshad daabacda lacagta faalsada ee Shilin Somaliga ah.

Warshadaan oo halkii la dhigi lahaa dhismaheeda ka socdo bangiga Puntland ee ku yaal magaalada Bosaso ayaa waxaa garwadeen ka ah ganacsato uu hogaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka Barlamanka Puntland Cabdixamid Shiikh Cabdisalaan.

Cabdixamid Shiikh Cabdisalaan ayaa horey u ahaa milkiilaha warshad lacagta faalsada ah daabici jirtey oo Puntland ka shaqeyn jirtey dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Cadde Muse Xirsi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM