Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Image

BOOSAASO, Soomaaliya — Ciidamada ka hortagga argagixisada ee Puntland ayaa dileen nin ajaanib ah oo lagu eedeeyay inuu ahaa khabiir ISIS u qaabilsanaa qaraxyada miinooyinka dhulka lagu aaso, sida ay sheegeen saraakiil amni oo deegaanka ah.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dagaalyahankan, oo lagu tilmaamay khabiir ISIS u dhashay dalka shisheeye, lagu dilay howlgal ay ciidamadu ka fuliyeen dooxada Baalade, kadib markii sirdoonku soo sheegay inuu halkaas ku aasay miino.

Ciidamada Puntland ayaa raadkooda ku helay ninkaasi, waxaana la toogtay intii uu socday iska horimaad kooban, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Saraakiisha howlgalka ayaa sidoo kale sheegay in laga helay doonaryo doolar Mareykan ah iyo qalab loo adeegsado samaynta qaraxyada, kuwaas oo lagu hayay jeebabkiisa. In kasta oo uu la rumeysan yahay inuu ahaa muwaadin Itoobiyaan ah, haddana weli si rasmi ah looma xaqiijin jinsiyaddiisa.

Mas’uuliyiinta milatariga Puntland ayaa sheegay in dilka ninkan uu ahaa aargoosi loo qaaday kadib markii dhowr saraakiil sare oo ka tirsan ciidamadu lagu dilay qaraxyo miinooyin ah oo ay ISIS sheegatay bilihii la soo dhaafay.

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga hadda si wanaagsan u fahmeen xeeladaha kooxda.

Howlgal kale oo Talaadadii ka dhacay isla dooxada Baalade ayaa ciidamada Puntland ku dileen laba xubnood oo kale oo ISIS ah, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen ajaanib.

Saraakiishu waxay sheegeen in hawlgallada socda ay qayb ka yihiin dadaallada lagu doonayo in dooxada Baalade, oo muddo dheer ahayd goob ay ku dhuuntaan dagaalyahannada argagixisada, laga sifeeyo kooxaha hubeysan.

— GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM