Ciidamada Puntland oo ka hadlay qoraalka Wasaaradda Maaliyadda

Image

GAROWE, Puntland- Xilli Shalay qoraal kasoo baxay wasaaradda Maaliyadda Puntland looga hadlay xuquuqda ka maqan shaqaalaha gaar ahaan ciidamada islamarkaana la sheegay inaysan jirin lacag ku baaqatay hay'addaas, ayaa ciidamadu ka jawaabeen arrintan  kadib qoraal kasoo baxay hogaanka ciidamada Kumaandoosta Puntland.

Hogaanka Kumaandoosta Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray wasaaradda maaliyadda Puntland, waxayna faah faahin ka bixiyeen lacagaha ka maqan ee isugu jira, Gunnooyinka, Mushaharka iyo kharaashaadka ciidamada tan iyo 2014-2017.

“Xaashaa lilaah haddii uusan mushahaar iyo xuquuq naga maqnayn annaga oo gadoodsan gudaha uma aanu soo galneyn magaalo madaxda gaar ahaan xarunta gollaha shacabka Puntland, Islamarkaana difaaca ugama aanu soo baxneyn bilaa sabab , Waxaana idin sheegayaa Wasiirku kuma uusan hadlin hadal xaqiiqo ah, “Ayuu yiri Siciid Dhagaweyne oo ah hogaanka xafiiska ciidanka kumaandoosta Puntland ee Danab.

Nuqul kamid ah Qoraal ciidamadu u gudbiyeen Barlamanka Puntland, ayaa lagu cadeeyay lacagaha ka maqan ciidanka difaaca,  taasoo cadadkeedu aad u badanyahay, waxaana waraaqdan oo soo gaartay GO muujinaysaa bilaha iyo cadadka kharashaadka ku baaqday dhinac dowladda.

Arrintan ayaa meesha ka saaray qoraalka wasaaradda maaliyadda Puntland oo sheegtay inaysan jirin lacag lagu leeyahay marka laga reebo bishii dhammaatay ee February, 2017.

Hadaba waxaad aad la isu weydiinayaa cidda ay ku maqantahay xuquuqda ciidamada, maadama aan la gaarsiin ciddii iska lahayd hay'adda u qaabilsan dowladdana ay sheegaynayso inay bixisay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM