Ciidamada Puntland oo ku dhowaadey Qandala, Gudoomiye Dhedo oo hogaaminaya

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamada dowlada Puntland oo maalmihii lasoo dhaaftey ku wajahnaa Qandala ayaa wararka ka imanayaa degaankaas waxay sheegayaan in ay u jiraan degmadaas saaka 30km.

Wararka warsidaha GO ayaa sheegaya in ciidamada ku sugan yihiin tuulada la yiraahdo karin iyada oo ilaa iminka aysan la kulmin wax iska caabin ah.

" Ma jirto wax iska caabin ah oo aan ilaa iminka la kulaney halkaas waxaana ciidanka muujinayaan taxadar iyagoo iska ilaalinaya in qaraxyo kooxda tageersan Daacish halkaas dhigtey" sidaas waxaa yiri sarkaal la socda ciidankaan oo diidey in aan magaciisa xusno.

Kooxda sheegtey iney taageersan tahay ururka Daacish oo gacanta muddo gacanta ku haysey magalada Qandala ayaa wararka xusayaan iney jidgooyo badan dhigeen jidka loo maro degmadaas.

Dhinaca wararka aan ka heleyno saraakiisha amniga magalada Bosaaso ayaa sidoo kale xusaya in habeenkii xalay halka la yiraahdo Buruc iyo Bacaad ee ku dhow xarunta ganacsiga Puntland lagu qabtey Lix nin oo la sheegey iney kasoo baxsadeen kooxdaas dhowaan qabsatey degmada Qandala.

Howlgalka ciidamada Puntland ee ka socda magalada Qandala  ayaa waxaa hogaaminaya gudoomiyaha gobolka Barri Yusuf Maxamad Waceyd Dhedo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM