Ciidamo ka tirsan Puntland oo howlgalo ka sameeyey degaano ku dhow Qandala

Image

BOSSASO, Puntland- Ciidamo ka tirsan dowladda Puntland ayaa gaaray deegaano ay isaga baxeen kooxda Daacish , isla markaana ka tirsan gobolka Bari sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Qandala oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta gudaha.

Waxa uu gudoomiyaha sheegay in ciidamadan ay gaareen tuulada Karimo oo qiyaastii 45 KM u jirta degmada Qandala ,mana uusan sheegin tirada ay dhan-yihin ciidamadan oo la filayo in ay howl-galo ka fuliyaan goobahaas.

"Ciidamada halkan jooga waxa ay tageen meel qiyaastii u jirta 55 km degmada Qandala ,mana jirin cid ka tirsan Daacish oo ay halkaa ku soo arkeen ,waxaana ay uga sii gudbeen meelo kale oo kamid tahay Karimo" ayuu yiri gudoomiye Jaamac Maxamed Quurshe oo sheegay in ay la dagaalamayaan ISIL.

Waxa uu sheegay in goobaha ay ciidamada tageen ay horey u joogeen dagaal-yahano ka tirsan kooxda Daacish oo uu shegay in ay dad shacab ah ku laayeen , waxaana uu tilmaamay in hadda ay goobahaas isaga baxeen.

Dhowaan ayey aheyd markii dad ka tirsan degaanka Barri la dagaalameen koox ka tirsan Daacish taasoo sababtey dhimasho iyo dhaawac soo gaarey shacabkii la dagalamey kooxdaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in joogitaanka kooxda Daacish ee deegaanka ay keentay hoos u dhac ku yimid ganacsiga deegaanka gaar ahaan Xijiga oo uu sheegay in ay ganacsato badan ay ka qaadan jiraan deegaanka.

Kooxda taageersan Daacish oo hoostagta kooxda isku magaacowday Khilaafada Islaamka ee Bariga dhexe ayaa dagaalo dhowr ah la gashay ciidamada difaaca Puntland ee fadhigoodu yahay aag-ga Qandala.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM