​Ciidamo katirsan Puntland oo qarax loo dhigay

Image

BOSASO, Puntland- Wararka ka imaanaya deegaanka Buuralayda Galgala ayaa sheegaya in qarax loo dhigay ciidamo katirsan Millatariga Puntland oo marayay inta u dhaxaysa Galgala iyo degmada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aaso ayaa waxaa wararku sheegayaan in waxyeello kasoo gaartay 12 askari kuwaasoo dhaawacood lagu dabiibayo xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Galagala oo ah deegaan buuralay ah ayaa waxaa isku horfadhiya ciidamada kala duwan ee Puntland iyo mallayshiyaad katirsan Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Qaraxaan ku dhacey 2 kamid ah u dhinteen dhaawacyadii soo gaarey.

Ilaa hadda dhacadadan kama hadlin saraakiisha amniga Puntland iyo madaxda dowladda.

Dhacdadana ayaa lagusoo beegay xilli ciidamo kale oo Puntland kasocda kusii siqayaan degmada Qandala halkaas oo ay ku suganyihiin xubno xiriir la leh Daacish.

Waxaa aad u jira dhaqdhaqaayo ay sameynayaan kooxaha aragagixisada ah kuwasoo ka faa'ideysanaya habacsanaanta siyaasada xukuumada Puntland taasoo ku aadan sidii ururadaan uga fushan Danahooda dhulalka fogfog.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM