​Culimada Puntland oo ka hadashay dilalka Bosaso [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Culimada Puntland, ayaa ka hadashay dilal maalmo isku dhow ka dhacay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, kuwaaso lagu khaarajiyay mas'uuliyiin katirsan dowladda Puntland.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay in arrintaas tahay waxay aad uga xunyihiin isagoo baaq xooggan u diray dhalinyarada had iyo goor ay adeegsadaan kooxaha Argagixisada ah.

Maxamuud, ayaa tilmaamay in diinta Islaamku aysan meelna kasoo galin dilka loo gaysanayo qof muslim ah, wuxuuna sheegay inay jiri doonto maalin qof walba lagula xisaantami doono wuxuu sameeyay.

Isagoo sii hadlayay, wuxuu Shiikhu dhalinyarada u sheegay in dilalka ay gaysanayaan Aakhiro aysan dambigiisa ka qaadi doonin dadka soo dirsaday ee katirsan kooxaha huwan magaca diinta Islaamka.

Waa markii ugu horaysay muddo ka badan todobaad culimada Puntland ka hadlaan dilalka qorshaysan ee dib ugu soo laabtay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, taasoo lagu dilay taliye ku-xigeenkii Saddexaad ee ciidanka Booliiska iyo Agaasimihii madaxtooyada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM