Cumar Cabdirashiid iyo Xaashi oo yimid magaalada Garowe
GAROWE, Puntland- Ra'isal wasaaraha waqtigu ka dhammaaday ee Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, oo wehilinayaan Guddoomiyaha Barlamanka Puntland oo muddo ku sugnaa Muqdishu, ayaa galinkii dambe maanta soo gaaray magaalo madaxda Garowe, isagoo la kulmay Madaxweyne Gaas oo isna maanta soo gaaray caasumadda Puntland.
Cumar Cabdirashiid iyo wafdiga la socota, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Canoco, kusoo dhaweeyay madaxweyne Gaas iyo mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda.
Labada mas'uul ayaa mar ay warbaahinta hadal kooban siiyeen, xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe, waxay ka hadleen safarkan iyo arrimaha ay kawada hadli doonaan.
Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Cali Gaas, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada uu Ra'isal wasaaraha waqtigu ka idlaaday kusoo gaaray magaalada Garowe, wuxuuna xusay inay kawada hadli doonaan arrimaha doorashooyinka iyo abaaraha dalka ka jira.
‘’Ra’iisal wasaaruhu wuxuu u yimid Puntland hawlo badan oo dalka ka socda gaar ahaan dhamaystirka doorashooyinka 2016 iyo sidoo kale inuu u kuur galo xaalada abaarta ee ka taagan Dalka, waana ku mahad sanyahay inuu Ra’iisul wasaaruhu inoo yimaado oo nala qaybsado culayska ay leedahay abaarta ka jirta Puntland, waa soo dhoweynaynaa Ra’iisal wasaaraha waana ku mahad sanyahay booqashadiisa,’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Cumar Cabdirashiid, ayaa isna tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashiida Garowe, wuxuuna intaas ku daray inuu Garowe u yimid sidii loo dardargalin lahaa howlaha doorashooyinka ee Puntland kasocda.
“Waxaan halkan u nimid arrimaha doorashada, saan lawada soconno waxaa lagu jiraa xili ay doorashadu gebogebo ku jirto wuxuuna socdaal kayagani salka ku hayey sidii aan u dardargelin lahayn dhammaystirka howlaha socda iyo inaanu madaxweynaha ka wada hadalo sidii ay doorasha inta hartay loo waajihi lahaa," Ayuu mudane Cumar.
Wuxuu isagoo sii hadlaya cadeeyay inay dhawaan qaban doonaan baaq wadajir ah oo ku aadan in Puntland lagala qayb qaato abaaraha baahsan ee dalka jira,"Sidoo kale waxaan lasoconaa in abaar xumi dalka ka jirto illaahay abaarta haynaga saaro, Insha allah waxaan baaq ku saabsan Abaarta oo wada jira wada qaban doonaah Madaxweynaha oo aan kula hadlayno beesha caalamka iyo cid walba oo gacan ka gaysan karta gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyen, ”Sidaas waxaa saxaafadda u sheegay Cumar.
Cumar Cabdirashiid oo kamid ah murashaxiintiisa u taagan Madaxweynaha Somalia, ayaa safarkiisan lala xiriirinayaa loollankiisa doorashada dalka ka dhacaysa 2016, wuxuuna dhawaan socdaal ku tagay magaalada Kismayo oo kula kulmay Xildhibaanada Labada Aqal ee maamulkaas u matalaya dowladda Somalia, isagoo kala hadlay in dalku u baahanyahay is-badal siyaasadeed.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, Axmed Cali Xaashi oo wehilinayo wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland, ayaa kamid ahaa xubnaha lasocday Cumar Cabdirashiid. Xaashi kama hadlin socdaalkiisa iyo waxa uga soo qabsoomay safarkii uu ku tagay Muqdishu iyadoo wali uu maqanyahay ku-xigeenka Madaxweynaha Cabdixakiim Camay oo markii hore ula safray caasumadda Somalia.
GAROWEONLINE