Daacish oo qiratay sarkaal ajnabi ah oo looga dilay gudaha Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland – Dagaalameyaasha Daacish ayaa waxay qirteen sarkaal ajnabi ah oo looga dilay duqeyn dhanka cirka ah taasoo diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen buuraleyda Goolis ee dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Inkasta oo ISIL aysan si rasmi ah u shaacin goorta ay dhacdey duqeyntaas, Al-Naba oo kamid ah baraha internet-ka ee faafiya wararka kooxdaas, ayaa magaca sarkaalkaas ku sheegay Khaalid Jaamac Maxamed Cusmaan.

Bishii hore ee July ayay ahayd markii u dambeysay ee Mareykanka uu duqeyn ka geystay Puntland. Taliska ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland wuxuu xusay in duqeynta lagu khaarijiyey sarkaal ajnabi ah.

Iyaddoo AFRICOM ay xustay in duqeyn ay ku dhinteen todoba Daacish ah, taliska PSF wuxuu tabiyey 20 uu kamid yahay ajnabi u qaabilsanaa xiriirka caalamka. Balse, ma aysan shaacin magaciisa iyo jinsiyadiisa.

Sidda ku xusan warbixinta Al-Naba, Cusmaan wuxuu ahaa xubin sarre oo warbaahinta u qaabilsanaa maleeyshiyaadka Daacish. Bishii August 27-deeda sanadkii 1992-dii ayuu ku dhashay Quetta oo Pakistan ka tirsan.

Cusmaan oo Daacish looga dhex-yaqaanay Abuu Osoma al-Muhaajir ayaa kamid ahaa xubnaha kasoo goostay Al-Shabaab oo 2010 uu ku biiray. Xerooyin ku yaala Muqdisho, gobolada Baay iyo Bakool ayuu kusoo tababartay.

Mudadii uu Al-Shabaab kamid ahaa, wuxuu si gaar ah uga tirsanaa Guutada Sarayat al-Quds ee fulisa howlgalada tooska ah. Dagaaladii dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamadda dowladii ku meelgaarka ayuu ku dhaawacmay.

Markii 2014-kii ay Daacish kasoo ifbaxdey Soomaaliya, wuxuu kamid ahaa xubno dhowr ah oo isku dayey in ay u wareegaan halkaas, hase ahaatee, waxaa qabtay Al-Shabaab oo muddo sanad ah xirtay uguna hanjabtay dil.

Warbixinta ayaa muujineysa in kolkii dambe uu si qarsoodi ah uga soo baxay degaanada Al-Shabaab kuna biiray Daacish. Wallow aan la fahfaahin qaabka uu Puntland ku yimid, haddana wuxuu u ahaa xubin laf-dhabar ah.

Abuu Osoma oo lagu waramay in isagoo yar uu Qur'aanka dhameeyay aadna uu u jeclaa saxaafada ayaa ka badbaadey weerar ay Al-Shabaab ku qaadey hoygiisa markii uu Daacish ku biiray, waxayna qaateen hubkiisa.

Al-Naba ayaa warisey in ciidanka xuduudaha Pakistan ay 15-jirkiisii qabteen xilli uu doonayey in uu ka talaabo xuduudka kuna celiyeen hoygiisa. In uu si fiican u yaqaanay Carabiga waxay u sahashay in uu qayb ka noqdo warfaafinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM