Daacish oo sheegatay dilka gudoomiyihii hore ee Qandala

Image

BOOSAASO, Puntland - Kooxda la magac-baxday Dowladda Islaamka garabkeeda Soomaaliya ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilka gudoomiyihii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari.

Jaamac Maxamed Quurshe ayaa xalay lagu toogtay agagaarka Kaalinta Shidaalka Allaadi ee magaalo madaxda ganacsiga dowladda Puntland.

Wakaalada wararka u faafisa Daacish ee lagu magacaabo Amaaq News Agency ayaa baahisay in dabley iyagga ka tirsan ay fuliyeen falkaas.

Dadka degaanka oo siyaabo kala duwan ula hadlay warsidaha GO ayaa intaas ku daray in Quurshe la bartilmaameedsaday xili uu kasoo baxay hotel.

Laamaha ammaanka oo howlgalo sameeyay ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dhowr shaqsiyaad oo lala xiriirinayo dilka mas'uulkaas.

Gacan ku dhiigleyaashii ka dambeeyay toogashada Quurshe ayaa ka baxsaday meesha ay wax ka dhaceen, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal.

Quurshe ayaa bishii Janaayo, 2012-kii loo doortay gudoomiyaha maamulka Qandala. Sanadkaas waxay ahayd markii ugu horeysay oo gole degaan loo sameeyay degmadaas.

Bishii May, 2018 ayuu xafiiska baneeyay markii Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu kala diray golaha degaanka. Yuusuf Maxamed Ciise [Qixiye] ayaana si ku meel gaar ah loogu dhiibay xilkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM