Dabley mas'uul dowladeed ku dhex-dishay huteel ku yaala Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland – Madaxii Kastamadda Wasaaradda Puntland qeybteeda Gaalkacyo ayaa fiidnimadii Jimcadda, 18-ka October 2019, lagu dhex-toogtay huteel ku yaala Gaalkacyo.

Goobjoogeyaal khadka telefoonka ugu waramay Garowe Online ayaa waxay daboolka ka qaadeen in mas'uulka ay khaarijiyeen kooxo ku hubeysan Bastooladdo oo aan wali la aqoonsan heybtooda.

Marxuumka, Xasan Cabdulle Hiraab oo geeridiisa la xaqiijiyey, ayaa waxaa la sheegayaa in uu deganaa huteelka Garsoor oo ku yaala xaafadda Raxmo ee ka tirsan waqoyga magaaladaas.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan, oo si lamid ah laamaha ammaanka gobolkan iyo kan degmadda aysan wali kasoo saarin war rasmi ah.

Maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacidda, Al-Shabaab, ayaa aalaaba looga bartay falal liddiga ku ah nabad-gelyadda ee ka dhaca xarunta gobolka Mudug.

Xukuumadda cusub ee uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa balanqaadey in ay xididaha u siibi doonto argagixisadda ayna sugi doonto amniga magaalooyinka Puntland.

Gaalkacyo waa magaalo istaraatiiji ah ayna kawada arimiyaan maamul goboleedyadda Puntland iyo Galmudug oo ah dowladdo xubno ka ah federaalka ka jira Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM