​Dad danyar ah oo Somali Relief Network Garowe qado ugu samaysay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa 01 December, 2016 qado loo sameeyay qaar kamid ah dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Garowe gaar ahaa, Barakacayaasha, dadka baahida gaarka ah qaba sida Indhoolayaasha, Carruurta, Haween iyo waayeel.

Deeqdan lagu quudiyay dadkaas ayaa waxaa bixisay ururka lagu magacaabo Somali Relief Network of North America (SRNNA), waxayna qayb ka ahayd dadaal ay Ku doonayaan in lagu caawiyo dadka tabaalaysan.

Ururkan ayaa sidoo kale, muddo ka hor ku deeqay 20 booyadood oo biyo ah kuwaasoo la gaarsiiyay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobollada Puntland.

Guddoomiyaha NGO-gan Sheekh Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale), ayaa sheegay in quudintan loogu talo galay sidii loo caawin lahaa dadka masaakiinta ah ee kunool magaalada Garowe, wuxuuna xusay in dad qiyaastii gaaraya 300 oo ruux maanta takuladan la gaarsiiyay. Dadka cuntada la siiyey ayuu xusay in 70% carruur iyo dhallin soo koreysa ahaayeen, inta kalena yihiin haween, waayeel iyo dadka aysan lixaadkoodu u dhammany kuwaasoo ay ku jiraan in ka badan 20 qof oo ku jira xarunta Al-Basar oo lagu hayo dadka Araga la'.

Gaadaale, ayaa intaas ku daray in qorshahan qayb ka yahay taakulada ay wadaan ee wax loogu qabanayo masaakiinta, wuxuuna xusay inay joogtayn doonaan, isagoo sheegay inay horay sidaan oo kale Garowe ugu quudiyeen 2000 oo dad danyar ah oo ku dhaqan goobaha barakacayaasha kala duwan, kulleejada carruurta lagu xannaaneeyo iyo meelaha dadka naafada ahi ay ku xeraysan yihiin.

Wuxuu sidoo kale xusay in ciiddii la soo dhaafay in kabadan 200 oo ari ah iyo 10 neef oo lo’ah loo qalay dad Ku kala nool Garowe, Afgooye iyo Ceelasha Biyaha.

Somali Relief Network of North America, ayaa hadda maal geliyey isaga oo taageerayaan shacabka iyo dawladda Puntland dhammaan kharashkii ku baxay dhismaha Wajiga Koowaad ee waddada isku xirta Eyl iyo Dangoroyo oo ay  Ku baxday kharash kabadan Nus Malayan Dollar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM