Dad ku Indho-beelay Abaarta ka jirta Puntland
GAROWE, Puntland- Xaalad adag oo abaar iyo macaluul isugu jirta ayaa lagasoo sheegayaa deegaano katirsan gobolka Nugaal, taasoo keentay in dadka xoolo dhaqatada ah ay waayaan laxaadkooda muhiimka ah ee Araga.
Qaar kamid ah dadka xoolaha ku dhaqda Miyiga degmada Godob-jiiraan oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in ilaa 10 qof oo Indho-beelay la geeyay goobaha caafimaadka degmadaas.
Cabdullaahi Xaashi Maxamud, waxaa kamid yahay dadka Geela ku dhaqda miyiga degmada Godob-jiiraan, wuxuuna sheegay inuu la kulmay dhacdo xanuun badan oo isaga qabsatay kadib markii ay Indhaha beeleen 4 kamid ah raggii xoolaha la hayay.
Sababta arrintan keentay ayuu ku sheegay inay tahay Duruufta nololeed ee ay haystay iyo shaqo aad u badan oo ay hayaan, isagoo tilmaamay raggaas har iyo habeen u taagnaayeen daryeelista Xoolaha.
“Qiso xanuun badan ayaa aniga ila kulantay, waxaana dhacday in aniga oo Geel la jooga aan maqlo qaylo iyo qof ashahaadanaya, kadib hadii aan u tagay, waaba mid kamid ah raggii geela ila hayay oo hadba geed ku dhacaya oo labadii Indhood dam yiraahdeen, waan soo kaceeyay, kadibna waxaana keenay Galaha. Xoogaa kadib ayaan ku laabtay xoolihii mise waa kii kale oo isna Indhaha beelay, Calaa iyo Kulli xaal Afar qof ayaa labana Rati ku keenay Labana ayagoo aan lugaysiinayo keenay tuuladaas,”Sidaas waxaa Radio Garowe u sheegay Cabdullaahi Xaashi.
Xaashi, ayaa intaas ku daray in noloshoodu aad u adagtahay islamarkaana xoolihii ay dhaafisay abaarta ka jirta Somalia, wuxuuna ku baaqay in gurmad la gaarsiiyo.
Arrintan ayaa timid xill dad Boqol kor u dhaafay ay nafaqa darro iyo Xanuuno ugu geeriyoodeen qaybo kamid ah dalka Somalia.
GAROWEONLINE