Dagaal beeleed khasaare geystey oo ka dhacay degmada Saaxo

Image

December 24, 2014 (GO)- Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen tiro intaas ka badanna lagu dhaawacay dagaal goor hore oo maanta ah ka dhacay degmada Saaxo ee gobolka Mudug.

Dagaalka oo muddo saacado ah socdey wuxuu dhex maray labo mileeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Duqa degmada Saaxo Cabdisalaam Guuleed Cumar oo isaga oo magaalada Gaalkacayo ku sugan warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey dagaalka isagoo sheegay in mileeshiyaad kasoo jeeda dhanka Galmudug soo weerareen goob ceel laga qodayey oo ku taala deegaanka Saaxo.

Labada dhinacba wuxuu sheegay in khasaare soo gaarey haseyeeshee dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ahi u badan yihiin shaqaalihii ka hawlgelayey goobta ceelka laga qodayo ee saaka lasoo weeraray.

Dhaawacyada oo qaarkood xaaladoodu halis tahay waxaa lasoo gaarsiiyey isbitaallada degmooyinka Galdogob iyo Gaalkacayo.

Asbuuc kahor [December 17, 2014] ayey ahayd markii Barlamanka Puntland ansixiyey degmada Saaxo oo kusoo biirtay degmooyinka gobolka Mudug.

Qaar kamid ah beelaha Galmudug ayaa kasoo horjeestey go'aanka Saaxo degmada loogu magacaabay iyagoo sheegay inuusan sharci ahayn islamarkaana ku doodey in dhulkaasi deegaan ahaan raacsan yahay Galmudug.

Xaaladda Saaxo xiligan waa mid kacsan waxaana socda abaabul xooggan oo labada dhinac wadaan iyadoo laga cabsi qabo in mar kale halkaas dagaal ka dhaco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM