​Dagaal deegaanka Af-ururshe ku dhexmaray ciidanka Puntland iyo Al Shabaab

Image

BOSASO, Puntland- Wararka ka imaanay Buuralayda Galgala ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in mallayshiyaad katirsan Al Shabaab weerar kusoo qaadeen fariisin ciidanka difaaca Puntland ku lahaayeen halka lagu magacaabo Af-ururshe.

Falkaas ayaa kalifay iska hor imaad dhexmaray ciidanka dowladda iyo mallayshiyadaas goor dambe xalay, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Iska hor imaadka oo muddo socday, ayaa kadhacay halka lagu magacaabo Af-ururshe oo fariisin ku leeyihiin ciidanka dowladda Puntland.

Majirto cid si madax bannaan u xaqiijisay qasaaraha dagaalkas. Xiriiro aan la samaynay saraakiisha ammaaanka iyo maamulka gobolka Bari, waxay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan iska hor imaadkii xalay ka dhacay deegaankaas.

Balse dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in xalay halkaas ka dhacay dagaal muddo kooban socday.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli buuraha Gal-gala ku suganyihiin mallayshiyo katirsan Shabaab, waxaana goobtaas fariisimo ku leh ciidanka difaaca Puntland.

Sannadkii hore, Shabaab ayaa miino u dhigtay gaadiid ciidankaasi isticmaalayeen, waxaana ku dhintay qaar kamid ah askarta dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM