​Dagaal ka bilowday nawaaxiga Godob-jiiran Nugal

Image

Dagaal xoggan ayaa goordhaweyd ka bilowday nawaaxiga degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugal, waxaan iska hor-imaadkaasi u dhaxeeyaa ciidamada Puntland iyo mallayshiyaadka taabacsan xarakada Shabaab ee dhawaaan kasoo dagay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa yimi xilli ciidamada Puntland go'doomiyeen kooxdaasi oo lasoo warinayo inay haysato dhibaato xooggan dhanka nolosha, waxaana la sheegay inaysan u furney meel ay maraan marka laga reebo dhanka badda.

Ciidamadan oo aad u habaysan waxaa hogaaminaya Gaashaanle dhexe Jimcale Jamac Warsame, wuxuuna markii hore ku bilowday xabado goos-goos ah iyadoo goob-joogayaal nawaaxiga dagaalka kusugan warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen in la isweydaarsanayo hub xooggan.

Dagaalkan ayaa yimi xilli kooxo kuwan lamid ah lagula dagaallmay deegaanka Suuj oo katirsan degmada Dangoroyo ee gobolka Nugal.

Wixii wararkaasi kasoo kordha Garowe Online kala socda

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM