Dagaal u dhexeeya labo beelood oo ka dhacay degmada Taleex

Image

April 21, 2015 (GO)- Ugu yaraan 5 qof  ayaa ku geeriyoodey shan  kalena way ku dhaawacmeen dagaal dhex maray labo mileeshiyo beeleed oo saaka ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa dhex maray mileeshiyaad ku kala abtirsada beelaha walaalaha ah ee Faarax Cali iyo Samakaab Cali.

Colaadda ka dhexeysa labada beelood oo salka ku haysa aano qabiil ayaa dib usoo cusboonaatey kadib markii mid kamid ah labada beelood nin ka dishey beesha kale.

Xaaladda Taleex ayaa hadda ah mid deggen, waxaana xilligan socda shirar ay leeyihiin waxgaradka labada dhinac.

Dhowaan ayey ahayd markii isimmada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha Faarax Cali iyo Samakaab Cali isla magaalada Taleex heshiis ku kala saxiixdeen.

Heshiiskaas ayaa dhigayey in colaadda lasoo afjaro, dhibkii horay u dhacayna layska illaawo iyadoo mag-dhow laga bixinayo dadkii labada dhan ka geeriyoodey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM