Dahabshiil oo beenisay hadalka Xisaabiyihii gobolka Mudug

Image

BOOSAASO, Puntland - Shirkadda Dahabshiil ayaa beenisay qoraal baraha bulshada lasoo dhigay, oo ku saabsan in Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdiqaadir Saciid Caarshe uu account uga furan yahay Laanta magaalada Qardho.

Qoraalka kasoo baxay Dahabshiil, oo uu ku saxiixan yahay C/xakiim Maxamuu Xasan, oo ah ku simaha maamulaha ee xarunta Boosaaso ayaa lagu sheegay in warqadda la baahiyay 24-kii bishan ay tahay mid la been abuuray, oo aan waxba ka jirin.

War Saxaafadeedkan oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online ayaa lagu xaqiijiyay in aysan jirin Account numberkiisu yahay QRD00412 oo shirkadda Bangigeeda qof uga furan yahay guud ahaan dalka. 

Laamaha amaanka ee dowladda Puntland ayaa looga dalbaday qoraalka inay la xisaabtaan islamarkaana ay tallaabo ka qaadaan cida sida sharci darrada ah u isticmaashay Loogada iyo Astaanta Shirkadda Dahabshiil.

Ugu dambeyn, Dahaabshiil waxay ku sheegtay War-saxaafadeedka ay soo saartay in xogta macaamiisheeda iyo lacagtoodda ay tahay "mid gacan amaan ah ku jira", waxaana loogu baaqay inay ka murug la'adaan, aysana dhag jalaqsan usiinin qoraalka beenta ah ee la faafiyay.

Beeninta Dababshiil ayaa ka dambeysay markii Xisaabiyihii gobolka Mudug Barkhadle Aadan Muuse, uu usoo bandhigay Saxaafadda warqad [Bank Statement], oo uu ku sheegay inay yahay lacagta Wasiirka Maaliyadda Puntland ugu jirta Account-ka uu ku leeyahay Dababshiil.

Barkhadle ayaa ku eedeeyay Caarshe in lacago uu musuq-maasuqay uu ku shubtay Account-kiisa Dahabshiil, iyadoo warqadda ay ka muuqdeen magacyo uu sheegay inay yihiin shaqsiyaadka lacagta ku shubay. [Halkan ka akhri Warka].

Laakiin, Wasiirka Maaliyadda Puntland, oo dhankiisa ka jawaabay eedayaha Xisaabiyaha ayaa gaashaanka ku dhuftay, wuxuuna carabka ku adkeeyay in qudhiisa ay ku maqan tahay Xisaabiyahay aduun lacageed dhan 99 Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

HOOS KA AKHRI QORAALKA DAHABSHIIL:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM