Dahabshiil oo beenisay in Somaliland ku taageerto dagaalka Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland – Shirkadda Dahabshiil ayaa gaashaanka u daruurtey eedeyn uga timid mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Puntland oo lagu magacaabo Saadiq Abshir Garaad.

Maamulaha Dahabshiil ee qeybta Boosaso Yaasiin Beeldaaje ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Xildhibaanka ee ah in Shirkadda ay Somaliland ku taageerto dagaalka ay kula jirto Puntland.

Yaasiin oo warbaahinta kula hadlay maanta Xafiiskiisa Boosaaso ayaa caddeeyay in Dahabshiil ay tahay Shirkad Ganacsi oo sharciyeysan, islamarkaana ka madaxbanaan siyaasadda, kana howlgasha dalal badan oo caalamka ah.

Maamulaha ayaa ugu Gudiga Anshaxa ee Baarlamaanka Puntland inuu xasaanadda ka qaado Xildhibaan Saadiq, maadama uu ku baaqay in la dhaco hanta shacab, aflagadana u geystay shirkada ganacsi.

Yaasiin Beeldaaje ayaa hadalka Xildhibaanka ku tilmaamay mid ku saleysan kicin dadweyne, oo naceyb iyo heeb-sooc xambaarsan, kaasi oo ka hor-imaanaya qodobo kamid ah Dastuurka dowladda Puntland.

Xildhibaan Saadiq, oo ah Gudoomiyaha Gudiga difaaca Baarlamaanka Puntland, ayaa dhawaan ku eedeeyay Shirkadda Dahabshiil inay Somaliland ku taageerto dagaalka ay kula jirto Puntland.

Lama oga jawaabta Baarlamaanka Puntland uu ka bixin doono hadalka Saadiq oo ah mudane kasoo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag, kaasi oo dhawaan sheegay in Dababshiil qeyb ka tahay colaadda Sool, oo dhaqaale siiso mamaulka Muuse Biixi.

Dahabshiil oo ah Shirkad ka shaqeysa dhinaca xawilaadda lacagaha in ka badan 140 dal, ayaa waxaa iska leh Ganacsade reer Somaliland ah, iyadoo eedeynta loo jeediyay noqoneyso mid culus, oo lid ku ah sumcadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM