Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya oo Garoowe yimid

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Danjiraha dowladda China u fadhiya Soomaaliya Qin Jian ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe, waxaana garoonka diyaaradaha Kanooko kusoo dhaweeyay xubno katirsan golaha xukuumadda.

Safiirka iyo wafdiga la socda ayaa la kulmay Madaxweyne Gaas iyagoo kawada hadlay arrimo ay kamid ahaayeen mashaariicda horumarineed ee dalka Chine ka fuliyo Puntland, adkaynta xiriirka Puntland iyo dalka Chine iyo iskaashiga labada dhinac ee arrima ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin sida wanaagsan ee China mashaariicda horumarineed uga fuliyay deegaanada Puntland, isagoo intaas ku daray inay diyaar u yihiin sidii ay kordhin lahaayeen calaaqaadka labada dhinac ka dhaxeeya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in arrimaha iskashiga Puntland iyo China ee ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka ay yihiin kuwo buldhig u ah wada shaqaynta dhow ee ka dhexysa Puntland iyo dalka Chine.

Gaas wuxuu intaas ku daray in xukuumadiis dedaal ku bixin doonto sidii kor loogu sii qaadi lahaa xiriirka wanaagsan ee labada dhinac u dhaxeeya.

Dhinaca kale danjire Mr. Qin Jian ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhankooda adkaynta xidhiidhka wanaagsan ah ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Chine iyo sidoo kale dardar gelinta iskaasiha labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka , waxaana uu sidoo kale xusay Safiirku inuu ku faraxsan yahay imaanshaha Garoowe iyo guud ahaan gudaha dawladda Puntland.

Safiirka iyo wafdiga la socda ayaa muddo labo maalin ah joogi doona Puntland, wuxuuna booqan doona goobaha waxbarashada, caafimaadka isagoo u kuurgali doona xaaladda goobahaas.

Socdaalkan ayaa yimid xilli shirkad laga leeyahay China ay dhistay Garoonka diyaaraha Boosaso, sidoo kale ay qandaraas ku qaadatay dhismaha Garoonka Galkacyo iyo wadada isku xirta Garoowe iyo Eyl.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM