Danjire Bari-Bari oo Garoowe lagu aasey

Image
Image
Image
Image
Image
Image

March 29, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa galabta aas qaran loogu sameeyey -AHN- Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari oo ahaa danjirihii Dowladda Federaalka ee dalka Switzerland.

Bari-Bari ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyoodey weerarkii labo maalmood kahor Al-shabaab kusoo qaaddey hoteelka Maka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Madaxda ugu sarreysa Puntland, mas'uuliyiin ka tirsna Dowladda Federaalka, isimmo, culimaa'uddiin iyo boqollaal dadweyne ah ayaa kasoo qayb galay aaska.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo aaska kadib hadlay ayaa Eebe naxariis uga baryey marxuumka tacsina u direy eheladii iyo qaraabadii uu ka tegey.

Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Yuusuf ahaa shaqsi kaalin weyn kasoo qaatey horumarinta xuquuqul insaanka Puntland, kaasoo marnaba dadka Soomaaliyeed illaawi doonin.

Yuusuf Bari Bari ayaa muddo dheer soo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey, xilkaasoo March 1, 2008 uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Wuxuu sidoo kale xubin kasoo ahaa ururkii SSDF isagoo mar loo magacaabey af-hayeenka ururka.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM