Puntland: Askar ku dhimatay Qarax ka dhacay Af Urur

Image

AF URUR, Puntland - Ugu yaraan 3 Askari oo katirsanaa Ciidamada Puntland ayaa ku geeriyootey, 14 kalena way ku dhaawacmeen Qarax xooggan oo goordhaw ka dhacay Suuqa Qaadka lagu iibiyo, oo ku yaalla deegaanka Af Urur, ee gobolka Bari. 

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhashay Miino lagu aasay Goob Qaadka lagu iibiyo, kaasi oo lala eegtay Askar halkaasi ku sugnaa, oo qaad ka iibsanayay.

Qaraxa kadib, waxaa deegaanka lagu soo weeraray Hoobiyaal, kuwaasi oo aan la ogeyn khasaaraha ay gaysteen, balse dadka deegaanka ayaa la sheegay inay argagaxeen markay maqleen madaafiicda.

Wali ma jirto ci sheegatay mas'uuliyada weerarka, balse Kooxda Al shabaab ayaa bishii June weerar culus oo Askar badan ay ku dhinteen ku qaadey Saldhiga Ciidamada Puntland ee Deegaanka Af Urur.

Af Urur wuxuu ku dhaw yahay Galgala, sidoo kalena waxa uu qiyaastii 100KM dhanka Konfur uga beegan magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Fahfaahinta Weerarka, kala soco Wararka dambe ee Garowe Online.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM