Degmada Caluula oo gole deegaan loo dhisay

Image

December 23, 2014 (GO)- Golaha deegaanka degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ayaa shalay doortey guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen.

Doorashada oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha Cabdulaahi Xaashi Qoob-deero, gudoomiyaha gobolka Gardafuu Cabdiqaadir Yuusuf Maxamed, madax dhaqameed iyo xubno ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xilka guddoomiyaha oo ilaa lix murashax u tartameen waxaa wareegii ugu dambeeyey isugu soo haray Shire Cabdi Ismaaciil Goonyacade iyo Muuse Saalax Guuleed. Guushu waxay raacday Shire Goonyacade oo helay 17 kamid ah codadka 31da xildhibaan ee golaha deegaanka Caluula ka kooban yahay.

Jagada gudoomiye ku xigeenka oo iyadana labo murashax u tartameen waxaa ku guuleystey Cabdirisaaq Siciid Cali Dunge oo helay 17 cod.

Madaxweynaha Puntland oo xafladda doorashada khadka telefoonka kaga soo qayb galay wuxuu hambalyo usoo diray maamulka cusub iyo guud ahaan bulshada gobolka Gardafuu.

Degmada Caluula waxay noqonaysaa degmadii afraad ee ka tirsan gobolka Gardafuu ee gole deegaan iyo maamul degmo loo sameeyo sanadkan 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM