Dekeda Boosaaso oo shaqooyinkii joojisay muddo Sideed Cisho ah [Sababta]

Image

BOOSAASO- Dekada magaalada Bosaaso ayaa xiran maalintii 8aad kadib marki muran soo kala dhexgaley shirkad la sheegey iney baareyso tayada badecadaha halkaas ka soo daga ( Quality Control) iyo ganacsatada Puntland.

Wasiirka Ganacsiga Dawlada Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle(Indha-guran) ayaa sanadkii 2016 sheegey in Wasaaraadiisu samaysay waax ama qayb u xil saaran baarista tayada badeecadaha soo galaya Dekadaha iyo Garoomada Puntland, markii ay arkeen wax yaabo tayo liita oo Dalka lasoo gelinaayo.

Shirkadaan oo ku dhuumaneysa magaca Wasaarada Ganacsiga Puntland ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey waxaa saamiyo ku leh madax ka tirsan dowlada iyo ganacsato aan ka fogeyn madaxtooyada kuwasoo adeegsanaya sharciga ay ku howlgaleen.

Xarunta shirkadaan oo ku taal magaalada Boosaaso ayaa dagan aqalka Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Barlamanka Puntland Cabdixamiid Shiekh Cabdisalaan iyadoo xogtaan sheegeyso inuu saami ku leeyahay.

Saamileyda ayaa sida xigtaan sheegeyso waxaa kamid ah Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Puntland kuwasoo ay kamid yihiin Nuux Dheere, Maxamuud Dheere iyo Candirizaq Muuse.

Fikirka shirkadaan oo ay lahayeen niman ganacsato ah ayaa si ay u hesho ogolaansho dowladeed ayaa waxaa saamiyo laga siiyey madax sare ee uu ugu horeeya Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Cabdiweli Xirsi Cabdulle ( Indhaguran) iyo saraakiil uu kamid yahay agaasimaha madaxtoiyada Puntland.

Dhinaca kale shirkadaan xarunteeda ay ku yeelaneyso Dekada magaalada Boosaaso ayaa waxaa furey Madaxweynaha Puntland 2-8-2017 si rasmi ah xariga uga jaray iyadoo xogo rasmiya sheegyaan inuu wax ka ogyahay hab-qaybsiga saamiyada shirkadaan ku dhisan tahay.

Maxaa sababey xiritaanka Dekada?

Shirkadaan oo sharci looga dhigey in badecadaha ka soo dagaya Dekada Boosaaso ku sameyso wax loogu yeerey baarsita tayada badeecadaha ayaa waxaa kororsiimo lagu sameeyey khidmad ay ka qaadi jireen shixnadaha kala duwan ka qaadi jireen.

Ganacsatada badeecadaha kala soo daga dakada ayaa diidey kororkaan kuwasoo u arka in shirkadaan oo aan haysan inta badan qalabkii loogu talagaley shaqadaan ay tahay mid aan suurgal aheyn.

Madaxweynaha Puntland ayaa kasoo ambabaxey magalaada Boosaaso iyadoo murankaan taagan yahay iyadoo maalmihii lasoo dhaafey shirar uga socdeen Rugta Ganacsiga Boosaaso ganacsatada iyo Wasaarada Ganacsiga.

Dekada oo xirneyd muddo ka badan asbuuc ayaa waxaa banaankeeda hoganaya gaadiid farabdan kuwasoo u xaniban muranka taagan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa dhowaan shaqada ka eryey inta badan madaxdii Wasaarada Kalumeysiga kuwasoo lagu eedeyey musuqmaasuq la sheegey iney ku kaceen xilli hay’adaha dowlada kale iyo madaxdooda ku lug leeyihiin hirgalinta  shirkado ay saamiyo ku leeyihiin.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM