Dekeda Boosaaso oo markale xirantay [Khilaaf Cusub]

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Dekedda magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari ayaa markale dib u xirantay, kadib markii Ganacsatada iyo dowladda Puntland ku heshiin waayeen lacagta canshuurta cusub ee la qaadayo.

Shirar socday mudooyinkii dambe ayaa natiijo la'aan kusoo dhamaaday, markii la isku fahmi waayay Tariifo cusub oo dowladda ka qaadi doonto Raashiinka iyo qalabka kale ee laga soo dejiyo Dekedda.

Tariifada cusub ayaa ah mida uu ka dhashay Khilaafkii hore ee Dekedda u xirantay, oo sababay dibadbaxyo cabasho ah oo ay sameeyaan Ganacsatada iyo dadka muruqmaalka ah ee ka shaqeeya furdada ayaa qoraalkaan ay soo saartey Wasaarada Dekadaha waxaa ka muuqda mid loo wareejiyey dhinaca badeecada dekada kasoo dagta.

Ganacsatada iyo dowladda ayaa markaasi wixii ka dambeeyay ku heshiiyay in mudo 10 maalmood ah lagu wado lacagahii laga qaadi jirey Gadiidka badda ee ku soo xiranaya dekada iyo tarri fooyinkii hore, oo ilaa xal laga helayana ay sii shaqeyso dekedda maadaama ay dad badan noloshooda ku tiirsan tahay.

Xirnaanshaha Dekedda hadda waxa uu ka dambeeyay iyadoo qiimo cusub ay xalay soo saartay Wasaarada Dakadaha, kaasoo ay ku xusan tahay lacagta la canshuuri doono cuntooyinka, qalabka dhismaha iyo alaabaha kale ee kasoo daga.

Warqadda Tariifada lasoo saarey oo nuqul kamid ah uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa ku xusan in halkii Ton [907Kg Kiilo garaam]oo Bariis, Bur, Sonkor iyo Qamadi laga qaadi doono lacag dhan 0.80USD.

Baasatada, Timirta iyo Saliida cuntada lagu karsado waxaa halkii Ton laga qaadayaa 3.5 USD, iyadoo badeecooyinka bagaashka, sida caanaha, kalluunka, Yaanyada iyo khudrada la bixinayo 1-kii Ton inta u dhaxaysa $3 ilaa $5 USD.

Tariifada cusub ee dowladda Puntland soo saartay

Tariifada cusub ee muranka dhaliyay ee xalay lasoo saaray

Ganacsatada ayaa diiday Tariifada cusub, oo ay sheegeen inaysan dani ugu jirin, waxayna joojiyeen shaqadii dajinta iyo rarista badeecadaha kuwasoo isaga kulan ay la qaadabayeen Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda Puntland, sidaasina ku joogsatay howshii Dekedda.

Ismari-waagan taagan ayaa caqabad ku ah dhaqan-galka Heshiiskii dowladda Puntland la gashay bishii April ee sanadkan P&O ports oo laga leeyahay dalka Imaaraadka, kaasi oo dhigayo in Shirkadda ay maamusho dekedda mudo 30 sano ah, iyadoo ku maalgelinaysa ballaarinteeda iyo horumarinta adeegyadeeda qiimo lacageed oo gaaraya 336 Million oo Dollar.

Madaxweyne Gaas oo heshiis u saxiixay P&O ports bishii April, 2017

Xirnaanshiyaha Dekedda Bosaso ayaa kusoo beegmaysa xilli uu Madaxweyne Gaas ka maqan yahay Puntland, iyadoo magaalada Boosaaso ay soo buux-dhaafiyeen ciidamo la sheegay inay sugayaan amniga magaalada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland iyo Talyaaniga oo kawada hadlay mashaariicda horumarinta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Hay’adaha Dowladda.

  • Puntland

    30-10-2024

  • 01:01PM

Tayeynta waxbarashada dugsiyada sarre Puntland oo laga shiray

Guddiga ayaa ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada.

  • Puntland

    17-10-2024

  • 04:42AM