Deni: DF Soomaaliya waa in ay joojiso qaadashada doorka Galmudug

Image

GAROWE, Puntland – Puntland oo shaacisay mowqifkeeda doorashooyinka Galmudug ayaa ku waanisay xukuumadda federaalka Soomaaliya in ay faragelinta ka joojiso arrimaha maamulka Xaaf.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyaddoo madaxweyne Xaaf uu ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay "boob" ku hayso arrimaha doorashooyinka ee dowlad goboleedkaas.

Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland, oo u waramay "BBC-da, ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in la loo hogaan-samo dastuurka qabyadda ee dalka.

"Sida aannaan annaguba u jecleyn in aan faraha lala galin arrimaheenna hoose ayey Puntland iyaduna u ixtiraameysaa maamul walba arrimhiisa gudaha ah," ayuu Deni yiri.

Wuxuu ku daray: "Waa dabiici in ay aragti kala duwanaan iyo khilaafaad dhacaan xilliga doorashada, laakiin waxaan ku ixtiraameynaa dadka reer Galmudug inay arrimahooda dhammeystaan".

Deni ayaa cod dheer wuxuu kusoo jeediyey "in dowladda dhexe joojiso qaadashada doorka Galmudug ee uusan u fasixin dastuurka".

Dhinacyadda ku midoobay dhismaha Galmudug ayuu ku adkeystay "in ay ku filan yihiin xalinta tabashooyinka iyo arrimahooda gaarka ah".

"Dadka reer Galmudug waa dad soo jireen ah, waxay qeyb ka qaateen xorriyaddii dalka, waxay aasaas u yihiin midnimada Soomaaliyeed, waa dad Soomaaliya xuddun u ah, intaas iyo ka badan ayey ku filan yihiin, marka waxaan rajeynayaa in howlaha galmudug loo daayo dadka reer Galmudug," ayuu xusay.

Doorashooyinka Galmudug ayaa laga cabsi qabaa in dib-u-dhac kale ku yimaadan kadib khilaaf dhanka Xaaf ka yimid, waxaana Villa Soomaaliya lagu eedeeyay "in ay calanka u luleyso dano gaar ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM