Deni oo baaq u jeediyay Xildhibaanada Golaha Degaanka Gaalkacyo

Image
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Xildhibaannadu ay u noqdaan hormuud isbeddelka.

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo, kuwaas oo ku soo baxay doorashooyinka qof iyo cod ah.

Madaxweyne Deni ayaa Golaha Degaanka ku bogaadiyey hawsha culus ee ay daka u hayaan isagoo ku dhiirrigeliyay inay ka shaqeeyaan danaha dadweynaha iyo Hogaaminta Bulshada

Xildhibaanada ayaa la wadaagey warbixin ku saabsan xaaladda degmada iyaga oo isla markaana weydiiyeyey Madaxweynaha su’aalo muhiim ah oo ku saabsan sidii Degmada loo horumarin lahaa.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Xildhibaannadu ay u noqdaan hormuud isbeddelka iyo hogaaminta Bulshada

"Wakhtigiina waa inaad bulshada ugu adeegtaan oo aad horseed ka noqotaan horumarka iyo jiheenta Bulshadda." Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM