Deni oo shaaca ka qaadey "wejiga qarsoon" ee Farmaajo

Image

GAROWE, Puntland – Madaxwaynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo caawa ka hadlay Madasha PDRC Talks ee Garowe ayaa hadaljeedintiisa wuxuu kusoo bandhigay macluumaadyo aan horay loo maqal oo ku saabsan xaaladda ay Soomaaliya iyo "wejiga qarsoon" ee Farmaajo.

Mudadii ay jirtay dowladda Farmaajo ayuu si aan toos ahayn ugu eedeeyay in ay qeyb kamid ah deeq-bixiyeyaasha caalamka "ku qancisay" in laga guuro nidaamka federaalka lana xoojiyo xukuumadda dhexe iskuna dayday in ay ciidamadda ku dhisto qaab ka duwan hanaanka lagu heshiiyey.

Ololaha qabashada doorasho qof iyo cod ah ee Villa Soomaaliya gedaal ka riixeysay ayuu ku tibaaxay "in uu ahaa marin-habaabin la doonayey in dhaqaale looga uruursado dalalka taageera dimuqraadiyada".

Madaxda hada ka ariminaya Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayuu ka dhawaajiyey in ay ku yimaadeen doorasho uu dhiig ku daatay.

Villa Soomaaliya ayuu carabka ku dhuftay in ay isku dayday in ay isbedel ay ku sameyso hogaanka Jubaland ay u adeegsato "ciidan aan Somaali ahayn balse markii uu ka fashilmay qorshahaas ay go’aansatay in ay kala qeybsato Jubaland una adeegsato ciidamadda hada la geeyay Gedo.

"Dowladdan waxay aad u isticmaashaa meesha ay dadka Soomaaliyeed ka liitaan oo ay xoq-xoqdaa qabyaaladda....Wuxuu [Farmaajo] mar walba Muqdisho u diidaa in lagu shiro waa meel ay wada joogaan dadka ay qadiyaddan [khilaafka doorashadda] khuseyso," ayuu hadalkiisa ku daray.

Shirkii ka dhacay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayuu ku nuux-nuux-saday in Farmaajo uu ku gacan-seyray dhamaan qodobadii xalka ahaa ee lasoo jeediyey iskuna koobay sidii uu u maamuli lahaa doorashadda Xildhibaanadda ee ka dhaceysa magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

"[Farmaajo] habeen hore ayuu i soo wacay '17-kii September ma aanan ogolaadeen markii aad i tiri waan ku dhisayaa ayaan ogolaadey' [ayuu igu yiri]… Khudbadiisa baarlamaanka wuxuu yiri 'Saciid baa qor-qortey' waa nasiib-darro kale…Isaga oo moodaya in aan dhisi doono ayuu ila wadaagay xogo ay kamid tahay ciidan iyo lacag baa ii diyaarsan," ayuu tibaaxay.

Madaxwaynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ayuu carabka ku adkeeyay in uu doonayo in uu dalka ka hirgeliyo doorashooyin natiijadooda lasii og-yahay oo ah in uu isaga kusoo laaban doono marka sanduuqa la tago.

"Dalka iyo dadka la rabo in la xaliyo, Garbahaarey ayaa xalin waayey," ayuu ka shanqariyey isaga oo ku eedeynaya dowladda Farmaajo in ay dhistay ciidamo daacad u ah kuwaas oo aan beegsan Al –Shabaab.

Ciidamadaas oo Turkiga uu tababaray oo kala ah Gorgor iyo Haramcad waxay ka amar-qaataa Villa Soomaaliya gaar ahaan sarkaal ay isku heeb yihiin Farmaajo oo Deni hoosta ka xariiqay "in uu dhisayo nidama kelitalis ah".

"Ma Al-Shabaab ayaa ka baqnaa mise Villa Soomaaliya ayaan ka baqnaa maxaa yeelay [waxyaabaha] la adeegsanayo wax farqi ah uma dhaxeeyo. Maalin walba khatar ayaan ku jirnaa," ayuu hoosta ka xariiqay Deni.

Ugu dambeyntii, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayuu cod dheer ugu baaqay in ay "si aan qabiileysneyn" uga hor-yimaadaan in waddanka dib ugu laabto nidaam kelitalis ah isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo dhabaha u xaari kara in uu dhaco burbur qaran, barakac iyo dhiig daata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM