Deni oo kulan la qaatay Guddiga Amniga Ee Gobolka Karkaar

Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar.

Madaxtooyadda dowladda Puntland ayaa waxay fahfaahin buuxda ka bixisay qodobadda diiradda lagu saarey Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar.

“Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha," ayaa lagu bilaabay bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray: "Waxay uga xog-warameen xaaladda guud ee Gobolka Karkaar iyo kan Degmada, Saraakiisha Laamaha Amnigu waxay ka warbixiyeen sida xaaladda Amni ay u wanaagsantahay.

"..horumarada laga sameeyay dhinaca Amniga, Masuuliyiinta heer Degmo waxay ka warbixiyeen hormarka balaaran ee ka socda degmada Qardho," ayuu ku daray warka qoraalka ah.

Deni ayaa Talaadadii lagu soo dhaweeyay Qardho, halkaas oo durbadiiba uu xariga ka jaray saldhig cusub, oo uu tababar ugu ugu furay cutubyo kamid ah xoogaga difaaca Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamadda Puntland isla markaana loogu diiwaan-gelin lahaa hanaanka cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM