Deni oo la kulmay gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyadda dowlada Puntland ee Garoowe ku qaabilay afhayeenka cusub ee  Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil [Cawl].

Deni oo soo dhaweeyay doorashadiisa ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, wuxuuna illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka loo igmaday.

Cawl oo laga soo doorto gobolka Sanaag ayaa wuxuu kusoo baxay wareega koowaad ee coddeynta maanta qabsoontay, isaga oo helay 46 cod oo kamid ah 63 mudane oo fadhiga soo xaadirtay.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo isna qaabilay Guddoomiyaha cusub ayaa wuxuu ugu hambalyeeyay xilka loo doortay.

Afhayeenka cusub ayaa wuxuu bedeli doonaa Cabdixakiim Axmed Maxamed [Dhooba Daareed] kaasi oo todobaadkii hore mudaneyaashu sheegeen in ay kalsoonida kala noqdeen.

Mr Dhooba Daareed ayaa waxaa lagu eedeeyay "ku tumasho Dastuur, xeer hoosaadka golaha, u kala eexashada Xildhibaanadda iyo in uu dhiirogeliyo maleyshiyo beeledyadda.

Gudoomiyaha cusub ayaa wuxuu sheegay in uu ka shaqeyn doono difaaca jiritaanka, dhulka iyo shacabka dowladda Puntland oo ah maamulka ugu da'da weyn federaalka ka tisqaaday geyiga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM