Deni oo magacaabay Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Gaashaanle Sarre Cismaan Yuusuf Muuse u magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool.

Magacaabista ayaa Sabtida maanta ah waxaa lagu sameeyay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Deni oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Hoos ka akhriso wareegtada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.05 January 8, 2020 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay : Baahida loo qabo dardargelinta howlaha Amni ee Gobolka Sool.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Ciidanimo.

Markuu Tixgeliyey: Talo soojeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare. Cismaan Yuusuf Muuse loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM