Deni oo muddeeyay xiliga lagu dhawaaqayo xisbiga xukuumadiisa

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in xukuumadiisa ay furaneyso urur siyaasadeed.

Xisbigan ayay dowladdu kaga qeyb-geli doontaa doorashooyinka ee soo aadan, oo qorshuhu yahay in ay noqdaan qof iyo cod.

Isagoo ka hadlayey xafladda sanad-guuradii 1aad ee doorashadiisa oo lagu qabtay Garowe, Deni ayaa caddeeyay in ay ka go'an tahay hirgelinta nidaamka xisbiyadda badan.

Ururka siyaasadeed ee xukuumadda Deni ayaa lasoo bandhigi doonaa Febraayo, 2020, sidda uu ka dhawaajiyey hogaamiyaha maamulka xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

"Waxaa lagu guda jiraa howlaha dhismaha ururka, waxaana Insha Allah, bisha labaad ee sanadkan, lagu dhawaaqi doonaa ururkaas qorshihiisa iyo magaciisa," ayuu ku daray.

Deni ayaa rajeynaya in qaar kamid ah martida xaflada ku biiraan ururka, inkastoo uu raaciyey "waan hubaa in ay jiraan kuwa diidi doona, waxaan diyaar u nahay tartan".

Guddiga doorashooyinka oo daah-furay qorshe howleedkiisa ayaa mar sii horeysay bilaabay diiwaan-gelinta ururada siyaasadeed soona bandhigay habraaca loo marayo.

Xukuumadda Deni oo muddo kooban ku magacowday, isla markaana kordhisay Miisaaniyadda Guddiga ayaa kalsoonida ka muujisay in ay Puntland ka saarto nidaamka 4.5.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM