​DFS oo deeq dawo ah keentay magaalada Galkacyo

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa galabta magaalada Galkacyo la keenay deeq dawo ah oo katimid dowladda Federaalka Somalia, taasoo ay ku deeqday, WHO, bisha cas iyo dowladda Qadar.

Kaalmadan, waxaana waday wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somalia iyadoo ay ka guddoomeen duqa degmada Galkacyo iyo Agaasimaha guud ee cusbitalka gobolka Mudug.

Dr Maxamed Xuseen Aadan oo hadal kooban jeediyay, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin islamarkaana kaalmadan horseedi karto inay wada shaqayn toos ah yeeshaan labada dhinac.

Duqa degmada Galkacyo Maxamud Yaasiin Axmed (Tumay), ayaa xusay inay magaalada kusoo dhaweynayaan wasiirka caafimaadka isagoo xusay in deeqdan wax ka badali doonto baahida cusbitalka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somalia, Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) ayaa sheegay inay kaalmadan tahay mid ay ugu talo galeen cusbitalka Galkacyo qaybta Puntland, wuxuuna ka digay in dagaal dambe dhaco, isagoo sheegay inaysan u baahnayn dawadan in dhawac lagu daweeyo, balse la rabo in bukaan loo adeegsado, wuxuuna xusay inaysan raali ka noqon doonin in qof dambe lagu waxyeelleeyo xarunta gobolka Mudug.

Deeqdan ayaa timid xilli cusbitalkaas waxyeello kasoo gaartay dagaallo dhawaan dhexemaray Puntland iyo Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM