Dhabancad oo loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Siyaasada iyo Xiriirka Caalamka Puntland

Image
Magacaabidan ayaa lagu shaaciyay barta Facebook ee Madaxtooyadda dowladda Puntland.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad u magacaabay Wasiirka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.

HOOS KA ARAG WAREEGTADDA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WAKIILKA ARRIMAHA SIYAASADDA IYO XIRIIRKA CAALAMIGA AH.

Garoowe: 20 July 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 20-ka Luulyo 2024, kuna saabsan magacaabid Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Punland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM