Dhacdooyinkii ugu waaweynaa Puntland 2015 (Qaybta Koowaad)

Image

January 3, 2016 (GO)- Qormadan kooban waxan diiradda ku saari doonnaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay Puntland sanadkii tegey ee 2015, anagoo u kala qaybin doonna: dhacdooyinka la xiriira siyaasadda, ammaanka, horumarka, xoriyatul qowlka iyo kuwii ugubka ahaa ee aan horay Puntland usoo marin.

Warbixinta ayaa ka koobnaan doonta saddex qaybood. Qaybta koowaad waxan kusoo ururiney dhacdooyinkii dhacay afartii bilood ee ugu horreysey 2015 (January ilaa April)...

 


January 3, 2015- Waxaa xarigga laga jaray mid kamid ah jidadka magaalada Garowe oo laami laga dhigay looguna magac daray AHN  Prof. Cabdi Xasan Jimcaale . HALKAN KA EEG...

January 18, 2015- Isbitaalka guud ee magaalada Badhan ayaa la gaarsiiyay qalab caafimaad oo ay ku deeqday hay'adda UNICEF. HALKAN KA EEG...

January 25, 2015- Kulan magaalada Garowe ka dhacay ayaa lagu ansixiyey manhajka cusub ee waxbarashada Puntland. HALKAN KA EEG...

March 10, 2015- Waxaa xarigga laga jaray labo waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey caasimadda Puntland ee Garowe. HALKAN KA EEG...

March 11, 2015- Waxaa la daah furey mashruuc lagu dayactirayo jidka isku xira magaalooyinka Garowe iyo Galkacayo. HALKAN KA EEG...

March 12, 2015- Xaflad ka dhacday Garowe  ayaa lagu daah furay Xafiiska Madaxa Banaan ee Difaacaha Xquuqda Aadanaha Puntland. HALKAN KA EEG...

March 23, 2015- Qandaraaska dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garowe ayaa lagu daah furay Dubai. HALKAN KA EEG...

March 30, 2015- boqol iyo konton ardey ayaa ka qalin jabiyey Jaamacadda PSU. HALKAN KA EEG...

April 9, 2015- Warshad dib u habeysa caagga qashinka ah ayaa laga furay Garowe. HALKAN KA EEG...

April 11, 2015- Hotel noociisu yahay Five Star oo ay dhismihiisa ku bixi doonto toban milyan oo doolar ayaa Garowe laga dhagax dhigay. HALKAN KA EEG...

April 26, 2015- Buundada Labo-wanley, Bosaso ayaa dayactir ballaaran lagu sameeyey kadib markii ay go'day. HALKAN KA EEG...

April 27, 2015- Shirkad ka shaqeysa Caymiska ayaa markii ugu horreysey Puntland laga hirgeliyey. HALKAN KA EEG...

 


January 8, 2015-Taliyihii hore ee qaybta booliska gobolka Mudug Cabdulaahi Shire Dool ayaa is casiley. HALKAN KA EE EEG...

January 13, 2015- Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukun ku riddey 14 qof oo lagu soo eedeeyey inay ka qayb galeen shirkii lagu soo dhisay maamulka Galmudug ee ka dhacay magaalada Cadaado. HALKAN KA EEG...

January 17, 2015- Kulan tobannaan haween ahi kasoo qayb galeen oo qaaraan loogu uruurinayey ciidamada ammaanka Puntland gaar ahaan kuwa ku sugan jiidda hore ee buuraleyda Galgala ayaa ka dhacay Hotelka Rugsan ee magaalada Garowe. HALKAN KA EEG..,

January 21, 2015- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa booqasho aan horay loo shaacin kusoo gaarey degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. HALKAN KA EEG...

January 24, 2015- Wasiiraddii hore ee Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Puntland Sahro Siciid Nuur ayaa is casishey. HALKAN KA EEG...

January 25, 2015- ciidamada ilaalada ka ah madaxtooyada Puntland ee magaalada Bosaso ayaa gadood sameeyey. HALKAN KA EEG...

January 29, 2015- Golaha Wasiirrada Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey siyaasadda cusub ee naafada. HALKAN KA EEG...

January 30, 2015- Puntland ayaa ku eedeysey Somaliland in ay leedahay hub laga soo dejiyey dekedda magaalada Berbera. HALKAN KA EEG...

February 1, 2015- Madaxweynaha Puntland ayaa xilka ka qaadey guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal, Cabdiqani Xaashi Bumbe. HALKAN KA EEG...

February 12, 2015- Golaha Wasiirada Dowlada Puntland ayaa meel mariyey xeerka sahaminta deegaanada Puntland. HALKAN KA EEG...

March 1, 2015- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Puntland Sahro Siciid Nuur ayaa si rasmi ah xilka u wareejisey. HALKAN KA EEG...

March 4, 2015- Puntland ayaa dembi ku weydey dad lagu eedeeyey in ay ka qayb galeen Shirkii Cadaado. HALKAN KA EEG...

March 18, 2015- Telefishinka Dowladda Puntland oo horay agaasinkiisu madaxtooyada u hoos tegi jirey ayaa la hoos geeyey Wasaaradda Warfaafinta. HALKAN KA EEG...

April 7, 2015- Madaxweyne Gaas ayaa xilka ka qaadey guddoomiyihii hore ee Mudug, Maxamed Yuusuf (Tigey) islamarkaana guddoomiye cusub gobolkaas usoo magacaabay. HALKAN KA EEG...

April 12, 2015- Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa heshiis lix qodob ka kooban magaalada Garowe ku kala saxiixday. HALKAN KA EEG...

April 21, 2015- Qunsuliyadda safaaradda Ethiopia ee Garowe ayaa si kumeel gaar ah u joojisey bixinta fiisaha Ethiopia. HALKAN KA EEG...

April 21, 2015- Shirkad gaar loo leeyahay ayaa lagu wareejiyey ilaalinta ammaanka xeebaha Puntland. HALKAN KA EEG...

April 28, 2015-  Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markiisii labaad booqasho ku yimid Garowe. HALKAN KA EEG...

 


January 21, 2015- Booliska Garowe ayaa xiray Xuseen Yaasiin Godo Godo oo ah tifatiraha shabakada Shacabka Media. HALKAN KA EEG...

May 19, 2015- Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu amray in la xiro xafiisyada telefishinka SNTV (Somali National Television ) ee Puntland. HALKAN KA EEG...

May 23, 2015- Booliska degmada Garowe ayaa xabsiga u taxaabey agaasimihii hore ee idaacadda Daljir qaybteeda Garowe Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Gaardi) iyo wariye kale oo isna ka tirsan Daljir laguna magacaabo Jamaal Faarax AadanHALKAN KA EEG...

May 26, 2015-  Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowladdu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto warbaahintii laga arko inaysan dhex dhexaad ahaynHALKAN KA EEG...

May 27, 2015- Wariyaha VOA ee gobolka  Bari Faadumo Yaasiin Jaamac  iyo Yuusuf Maxamuud Yuusuf oo isna ah wariye kale o ka tirsan Idaacadda SBC ayaa muddo kooban lagu xiray magaalada Bosaso. HALKAN KA EEG...

July 19, 2015- Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Gaas ayaa garoonka diyaaradaha ee Galkacayo ku jir diley saddex wariye oo lagu kala magacaabo Siciid Nadaara, Maxamed Cabdicasiis iyo Imaan Maxamed Jaamac. HALKAN KA EEG...

August 12, 2015- Wasaaradda Warfaafinta Puntland  ayaa dacwad ka gudbisey Radio Sahan oo ah idaacad FM ah oo ka hadasha magaalada Garowe. HALKAN KA EEG...

September 16, 2015- Amar kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocadde ayaa lagu mamnuucay in la baahiyo Idaacadda Radio Muqdisho. HALKAN KA EEG...

October 29, 2015- Waxaa amar kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland  shaqada looga joojiyey idaacadda VOA xafiisyadeedeeda Puntland. HALKAN KA EEG...

November 10, 2015- Warqad kasoo baxday Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa shaqada looga joojiyey Wariye Jaamac Deberaani. HALKAN KA EEG...

 


January 2, 2015- Macalimiin Kenyan ah oo wax ka dhigayey iskuulka Yameyska ee magaalada Galkacayo ayaa qarax lala beegsaday. HALKAN KA EEG...

January 3, 2015- Dad ayaa ku sumoobay deegaanka Dacarre ee gobolka Nugaal. HALKAN KA EEG...

January 10, 2015- Bamgacmeed ayaa lagu weeraray saldhigga dhexe ee booliska degmada Bosaso. HALKAN KA EEG...

January 17, 2015- Bam-gacmeed ayaa lagu weeraray Radio Galkacayo. HALKAN KA EEG...

January 21, 2015- Iska hor imaad khasaare geystey ayaa ciidamo ka wada tirsan kuwa Puntland wuxuu ku dhex maray duleedka waqooyi ee magaalada Galkacayo. HALKAN KA EEG...

February 3, 2015- Dooni siddey ugu yaraan 35 qof oo tahriibeyaal ah oo ka baxday magaalada Bosaso ayaa ku degtey xeebaha dalka Yemen, dhammaan dadkii doontaas la socdeyna way geeriyooden. HALKAN KA EEG...

February 3, 2015- Xisaabiyaha xafiiska Wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaada yare) ayaa isku day dil ka badbaadey.HALKAN KA EEG...

February 3, 2015- Guddoomiyihii xaafadda Gasoor ee magaalada Gaalkacayo Maxamuud Diiriye (Bidaar) ayaa toogasho lagu diley. HALKAN KA EEG...

February 3, 2015- Al-shabab ayaa weerar qorsheysan kusoo qaaddey saldhigga booliska Baalade ee ku yaal xaafada New Bosaso ee magaalada Bosaso. HALKAN KA EEG...

February 7, 2015- Al-shabaab ayaa soo weerartay guriga uu magaalada Bosaso ka deggen yahay taliye ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland, Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse. HALKAN KA EEG...

February 12, 2015- Afar qof ayaa ku dhintey shan kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Garowe. HALKAN KA EEG...

February 13, 2015- Ciidamadda Puntland ayaa weerar ku dilay shan ka tirsanaa dagaalyahannada kooxda Al Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Madashoon ee gobolka Bari, sida ay sheegayaan saraakiisha dowladdu. HALKAN KA EEG...

February 15, 2015- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukunno kala duwan ku riddey siddeed qof oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Al-shabab qaybna ka qaateen falal ammaanka lid ku ah oo laga geystey deegaanada Puntland. HALKAN KA EEG...

February 18, 2015- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo Haylaan ayaa maanta xukuntey todoba nin oo ku eedaysan kamid ahaanshaha ururka Al-shabaab. HALKAN KA EEG...

February 25, 2015- Ciidamada badda Puntland ayaa qabtay doon yar oo ka baxday magaalada Bosaso taasoo ay la socdeen tobannaan qof oo tahriibeyaal ah. HALKAN KA EEG...

February 26, 2015- Koox Al-shabaab ah ayaa weerar qorsheysan kusoo qaadey guriga uu magaalada Bosaso ka deggen yahay guddoomiyihii hore ee gobolka Bari, Cabdisamed Maxamed Gallan. HALKAN KA EEG...

March 1, 2015- Taliyihii ciidamada cashuuraha berriga ee gobolka Mudug Duraan Cumar (Qaylo) ayaa ku geeriyoodey qarax ka dhashay bam  gaarigiisa loogu rakibay. HALKAN KA EEG...

March 7, 2015- Booliska gobolka Mudug ayaa magaalada Gaalkacayo ku qabtey labo nin oo dhulka ku aasayey walxaha qarxa. HALKAN KA EEG...

March 11, 2015- Ciidamada amniga gobolka Nugaal ayaa hawlgal ay magaalada Garowe ka sameeyeen kusoo qabtey dad lagu soo eedeeyey inay ku hawlanaayeen khalkhal gelinta amniga. HALKAN KA EEG...

March 16, 2015- Puntland ayaa  dil toogasho ah ku fulisey saddex nin oo horay dil loogu xukumey kuna eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Al-shabaab. HALKAN KA EEG...

March 17, 2015- Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ayaa  gudaha usoo galay degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.  HALKAN KA EEG...

March 21, 2015- Xildhibaan Siciid Agandi oo ka tirsanaa baarlammaanka Puntland ayaa ku geeriyoodey magaalada Garowe. HALKAN KA EEG...

March 23, 2015- Booliska Garowe ayaa si aan ula kac ahayn u dhaawacay sarkaal ka tirsan ciidamada sirdoonka Puntland oo lagu magacaabo Maxamed Caydiid. HALKAN KA EEG...

April 5, 2015- Al-shabaab ayaa labo weerar ka fulisey magaalada Bosaso. HALKAN KA EEG...

April 6, 2015- Taliyihii hore ee sirdoonka Puntland Cabdi Xasan Awoowe (Cabdi Yare) ayaa xilka wareejiyey. HALKAN KA EEG...

April 16, 2015- Caruur ayaa ku geeriyootey dab ka kacay kaamka barakacayaasha Buulo-Mingis ee magaalada Bosaso. HALKAN KA EEG...

April 17, 2015- Mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar qorsheysan kusoo qaaddey saldhigga booliska Baalade ee ku yaal koonfur-galbeed magaalada Bosaso. HALKAN KA EEG...

April 18, 2015- Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Yare) oo ka tirsanaa baarlammaanka Puntland ayaa Muqdisho lagu diley. HALKAN KA EEG...

April 20, 2015- Al-shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah Garowe kula beegsatay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey. HALKAN KA EEG...

April 29, 2015- Ciidamada ilaalada ka ah dekedda magaalada Bosaso ayaa bam gacmeed lagu tuuray. HALKAN KA EEG...

 

LA SOCO QAYBAHA LABAAD IYO SADDEXAAD...

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM