Dhedo “Dowladdu ha abaal-mariso ciidanka qaraxa qabtay”

Image

BOSASO, Puntland- Guddoomiyaha gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacay (Dhedo) oo ka hadlayay qarax saaka lagu qabtay magaalada Bosaso ayaa dowladda ka codsaday inay abaal mariso ciidamadii qabtay baabuur qarax siday oo lagu qabtay magaalada Bosaso.

Dhedo oo warbaahinta kula hadlayay madal lagusoo bandhigay qaraxa la qabtay iyo ragii waday ayaa sheegay in ciidamadu had iyo jeer heegan ugu jiraan difaaca dalka iyo dadka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sharwadayaashu had iyo jeer raadinayaan sidii loo gumaadi lahaa umadda reer Puntland, wuxuuna xusay in qaraxan qabashadiisa lagusoo beegay xilli maalmo kooban kasoo wareegtay xukunkii lagu riday Shakhsiyaad katirsanaa Al Shabaab oo iyagana lagu qabtay Fuustooyin qarax ka buuxo.

Mar uu ka hadlayay gawaarida soo qaata waxyaabaha qarxa, wuxuu fariin u diray dhammaan gaadiidlayda Somaliyeed isagoo sheegay in baabuurkan ku cibro qaataan, wuxuuna xusay in dowladdu la wareegtay oo lagu buufin doono midabka Tuutaha oo askartu caanka ku tahay, isagoo loo adeegsan doono inuu ka shaqeey furimaha hore gaar ahaan Gal-gala.

Guddoomiyaha gobolka Bari, ayaa sheegay inaysan marnaba ka daali doono howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad diidka, isagoo shacabka ka dalbaday inay ka shaqeeyaan ilaalinta ammaanka iyo ka feejignaanta kooxaha dhiiga shacabka qubaya.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu cadeeyay in dhibaatadu intaas ku ekaan doonin ee ay tahay sil-silad is daba joogta, wuxuuna ku baaqay in har iyo habeenba la shaqeeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM