Dhismaha golaha deegaanka Godob Jiiraan oo dib u dhacay

Image

January 5, 2015 (GO)- Dib u dhac ayaa ku yimid dhismaha golaha deegaanka degmada Godob Jiiraan oo qorshuhu ahaa in todobaadkii lasoo dhaafay lasoo gaba gabeeyo.

Wafdi xildhibaano u badan oo bishii hore ee December tegey Godob Jiiraan ayaa dib ugu soo laabtey Garowe kadib markii hawsha dhismaha maamulka degmadaasi sidii loogu tala galay u socon weydey.

Khaliif Cabdulaahi Cumar oo kamid ah waxgaradka iyo odayaasha degmadaas ayaa Radio Garowe uga waramay sababta keentay dib u dhaca iyo meesha ay wax ka khaldameen.

Wuxuuna sheegay in sababta koowaad tahay khilaaf soo kala dhex galay beelaha deegaanka oo ku heshiin waayey sida loo qaybsanayo xubnaha kamid noqonaya golaha deegaanka.

Khaliif ayaa dhanka kale sheegay in guddi odayaal ah loo saaray sidii arintaas xal looga gaari lahaa, marka khilaafka jira lasoo afjarana loo guda geli doono soo xulista xubnaha golaha deegaanka kadibna doorashada maamulka degmada la qaban doono.

Bishii hore ee December waxaa goleyaal deegaan loo dhisay dhowr degmo oo ku yaalla gobolka Gardafuu ayna kamid ahaayeen magaalo madaxda gobolkaas ee Caluula iyo degmada Bareeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM