Dibadbax rabshad wata oo Bosaso ka dhacay iyo Gaas oo ku wajahan
BOSASO, Puntland - Boqolaal shacab ah ayaa maanta oo Arbaco ah waxay dibadbax ballaaran oo rabshado wata ka dhigeen magaalada Bosaso, ee xarunta gobolka Bari, kaasi oo looga soo horjeedo Sicirbararka iyo Diidmada Shilin Soomaaliga.
Dadka dhigaya Mudarahaadka oo isku soo abaabulay, ayaa xiray wadooyinka, waxayna albaabada isagu dhufteen goobaha ganacsiga kala duwan, iyagoo ka cabanaya lacag faalso ah oo lasoo geliyay Magaalada.
Ganacsatada ayaa diiday in shilinka Soomaaliga wax looga iibsado, taasina waxay keentay sare u kac xooggan oo ku yimid qiimaha badeecooyinka, kadib markii Ganacsatada ay go'aansadeen inay Doollar kaliya wax ku iibiyaan.
Shaqaalaha Dekedda iyo Gaadiidkii ka shaqeynayay ayaa sidoo kale shaqo joojin sameeyay. Dibadbaxiyasha ayaa sheegaya in iyagoo haysta lacag, haddana aysan wax ku iibsan-karin, oo ay ka gaajaysan yihiin.
Waxaa magaalada bartamaheeda laga maqlayey dhawaaqa rasaasta, waxaana wararka ay sheegayaan in iska horimaad uu magaalada ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo kuwa Badda Puntland.
Isku-dhaca ciidamada ayaa waxaa dhaawacmay Taliyaha ciidanka amaanka Dekedda Bosaso Maxamed Cali Xaashi iyo labo Askari oo kale, waxaana la dhigay Isbitaalka magaalada, sida Ilo-wareedyo ay u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online
Dhaawaca Taliye Maxamed ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud.
Gaas ayaa la filayaa inuu safar dhanka cirka ah uu ku tago Bosaso, xilli xarunta Ganasiga Puntland uu ka jira sicir-barar xooggan oo saameysay nolosha shacabka magaaladaasi, kuwaasi oo dhigaya hadda dibadbaxyo ballaaran.
Madaxweyne Gaas ayaa la sheegaya in magalaada Bossaso kula kulmayo wafti ka socda shirkada P&O oo dhowaan hehsiis hurumarinta dekada magalaada Bossaso la gashay dowlada Puntland.
Heshiiskaan ayaa waxaa dhowaan ansaxiyey golaha Barlamanka kadib markii horey khilaaf dhexmarey iyaga Madaxweynaha Puntland kala direy golihii wasiirada.
Dibadbaxan ayaa kusoo beegmaya, xilli xalay Garowe looga dabaal-degay sanad-guurada 19-aad, ee aas-aaska Puntland, taasi oo lagu qabtey xarunta Madaxtooyada, waxaana ka qeybgalay madax kala duwan iyo shacab la casuumay.
GAROWEONLINE kala soco Fahfaahin la xiriira banaanbaxa iyo safarka Gaas.
GAROWEONLINE