Dibadbax rabshado wata oo ka socda Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Dibadbax rabshado wata, oo dad ay ku dhinteen ayaa saaka ka socda magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari kaasi oo looga soo horjeedo xirnaashaha dekedda magaaladaasi.

Wariyaha Warsidaha Garowe Online uga soo waramaya Boosaaso, ayaa sheegay in banaan baxa xooggiisa uu ka dhacayo nawaaxiga Dekedda, iyadoo dadweyne caraysan ay isku dhaceen ciidamada Booliska.

Isku dhaca ciidamada amniga ayaa ka dhashay khasaaro isagu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana Goobjoogiyaasha u sheegeen Garowe Online in ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey halka labo ruux ku dhaawacantey.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb-qaadanaya boqolaal qof, oo ganacsato, haween iyo dhalinyaro ay kamid yihiin kuwaasi oo dalbanayay in la joojiyo canshuurta lagu kordhiyay badeecadaha kasoo dega Dekedda Boosaaso.

Wasiirka Dekadaha Puntland, Siciid Maxamed Raage oo shir jaraa'id ku qabtay Isniinta magaalada Boosaaso, ayaa ka sheegay in yasan jirin wax lacag ah oo la kordhiyey Badeecadaha, isagoo dhibaatada taagan ku eedeeyay dadka masuulka ka ah Doonyaha. Halkan ka akhri. 

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo isna Shir Saxaafadeedka ka hadlay ayaa rugta ganacsiga ku eedeeyay inay ka dambayso dhibaatada jirta, wuxuu intaasi ku daray inay dib u eegi doonaan shaqadeeda.

Fahfaahinta warkan, kala soco wararkeena damne haddii ALLE idmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM